Wasiirka warfaafinta ee xukuumadda Soomaaliya, Maxmaed Cabdi Maareeye

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka warfaafinta ee xukuumadda Soomaaliya, Maxmaed Cabdi Maareeye ayaa shaaca ka qaadan in ay dowladda xilligaan soo wajaheen caqabado caalamiga ah oo kaga imaanaya dalka dibaddiisa.

Wasiirka ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay caqabadahaasi kaga imaanaya dalka dibaddiisa gacan weyn ka siiyaan, sidii looga gaashaaman lahaa dhibkaasi.

Mr. Maareeye ayaa sheegay in shacabka iyo madaxda qaar in aysan ka warheenin in dowladda Soomaaliya ay heystaan caqabado dibadda kaga imaanaya, balse ay ku mashquulsan tahay waxtarka dadkeeda, sida uu yiri wasiirku.

”Waxaad moodaa Shacabka Soomaaliyeed iyo madaxda dalka hoggaankooda inaysan ku baraarugsaneyn caqabadaha dowladda dhexe ay la kulmeyso, balse halkii laga caawin lahaa dad badani oo ka mid ahi waxgaradka iyo mas’uul kasta ay dowladda culeyska ku badinayaan si ay dowladda u jabto daddaalada ay wado ay ku fashilanto”, ayuu yiri Wasiirka warfaafinta ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Maareeye.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

 

1 COMMENT

  1. ASC.
    Maareeye waxuu ka mid yahay ragga kala qaybiyey soomaali.Markii ay kala geeyeen soomaaliweeyn buu maanta leeyahay soomaliyeey noo soo hiiliya.Maareeye waa dambiile mudan in deg-deg loo soo hortaaga maxkamad milatari oo lagu qaado waxuu mudan yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here