Kismaayo (Halqaran.com) – Xildhibaanno ka tirsan labada Aqalka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Arbacadii maanta gaareen Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Xildhibaanadan ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Kismaayo, waxaana loo kaxeeyay dhismihii maalintii Talaadada lagu dhaariyay Xildhibaanada Baarlamaanka 2aad Jubbaland.

Waxaa ka mid ahaa xildhibaanadii maanta gaaray magaalada Kismaayo, Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi, wuxuuna ahaa ujeedada socdaalkooda sidii ay goobjoog uga noqon lahaayen doorashada lagu wado inay ka qabsoomto Magaalada Kismaayo.

Xildhibaan Fiqi ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray saddex qodob oo uu ku sheegay in uu ku saleysan yahay socdaalka ay xilligan ku taggeen Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Xildhibaan Fiqi wuxuu qoraalkiisu u qornaa sidan:

1- In hay’adaha Dastuuriga ah ee Dowladda Federaalku gaar ahaan hay’adda sharci dejintu oo aan ka tirsanahay ay goobjoog ka ahaadaan doorashada hay’adaha dastuuriga ah ee Jubbaland.

2- U kuurgalidda habsami u socodka hannaanka iyo geedi-socodka doorashada Jubbaland ka dhacaysa maalmaha nagu soo fool leh.

3- In aan dhiiragalinno nabadda iyo xasiloonida Jubbaland in la ilaaliyo.

Xafiiska Halqaran.com, Kismaayo
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here