Muqdisho (Halqaran.com) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta xukun ku riday nin u dhashay dalka Ingiriiska, kaasi oo ciidamada ammaanka Soomaaliya horay ay ugu qabteen Garoonka Aadan Cadde, kadib markii lagu eedeeyay inuu Boorsadiisa ku watay waxyaabaha Qarxa.

Dhageysiga Kiiska ninkaan Ajnabiga ah ayaa muddooyinkii dambe wuxuu ka socday maxkamadda Gobolka Banaadir, iyadoo maanta maxkamadda ay ku dhawaaqday nooca xukun ee ninkaan uu mutaystay.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa Andrew Braian Irlam ku xukuntay inuu bixiyo lacag dhan $7,000, waxayna Maxakamaddu ku waysay Qodobadii lagu soo eedeeyay laba ka mid ah, waxayna ku heshay qodobka 34aad ee Xeerka Nabad gelyada Guud Ee Qaranka sida ay sheegtay Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Andrew Braian oo u dhashay dalka Britain ayaa kiiskiisa muddo uu soo socda, iyadoo intii uu ku xirnaa Xabsiga dhexe ee Xamar rag ka tirsan Daacish ay ku dhex weerareen gudaha xabsiga, inkastoo dhaawac wayn aysan u gaysan.

Gudaha Soomaaliya waxaa ku yar kiisaska dadka Ajaanibta ah maxkamaddaha loo soo taago, maadaama badi awood badan ay ku leeyihiin ajaanibta oo xittaa dabagal badan aanan lagu sameynin joogitaankooda Magaalada Muqdisho iyo ujeedooyinka ay u joogaan.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here