Garoowe (Halqaran.com) – Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, ayaa ugu baaqay dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada dalka in ay soo afjaraan khilaafka daba-dheeraaday ee ka dhex aloolsan.

Madaxweynihii hore ee Puntland, ayaa sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya laga doonaayo in ay tixgaliso hanaanka maamul goboleedyada ay ku shaqeeyaan,

Wuxuu ugu baaqay dowladda dhexe, in ay dardarliso dhismaha maamul goboleedyada dalka.

Wuxuu intaasi raaciyay Cabdiweli Gaas, in Khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda badanaa uu ka yimaado dano gaar ah oo dhanka dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu xusay in dhammaan Hay’addaha kala duwan ee dowladda Khilaafkaasi uu cuuryaamiyay.

Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, ayaa sheegay, indowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamulka Puntland Khilaaf ka dhex taagan uu noqday soo jireen, maadaama dowladda Soomaaliya aysan diyaar u aheyn tixgalinta Cabashooyinka maamulka Puntland.

Ugu dambeyn, Dr. Cabdiweli Gaas ayaa lagu xasuustaa intii xilka hayay in Khilaaf ba’an uu kala dhaxeeyay dowladda dhexe ee Soomaaliya, isagoona ka mamnuucay in mas’uul ka socda dowladda uu ka soo dago Garoowe.

Xafiiska Halqaran.com, Garoowe
Halqarannews@gmail.com

2 COMMENTS

  1. ASC.
    Dawlad dhexe oo awood leh soomaaliya maanta kama jirto.Haddii ay jirto may xaliso arimaha xamar kaliya?Xamar oo ay joogaan kumaa kun ciidan oo ah ciidamo ajaanib baa baylah ah ee dawlada dhexee la sheegaa maxay ku gaaraysaa gobalada dalka?Xiligaan xamar kama jirto dawlad hanankarta arimaha wadanka.

  2. ASC.
    ENG.Yariisoow maxaa loo dilay?Marka hore Yariisoow wakhtigiisii baa dunidaan ka soo dhammaaday.Marka labaad yariisoow waxuu lahaa cadaw ad u badan.cadawgaas oo Yariisoow ku colaadin jirey maxuu uga hadlaa arimaha soomaliweeyn?Yaa u dirsaday in uu ka hadlo soomaalinimo?Sida la sheegay Yariisoow waxuu yiri dhulalka la haysto kuwa dawlada laga haysto iyo kuwa laga haysto dadka shacabka ah waa in la soo celiyaa.Sababaha loo dilay Yariisoow taas baa ugu weeyn.Sababta loo dilay Yariisoow waa mida ay xamar la dagi ladahay oo uu uga socdo AAKHIRO SAMAANKU.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here