Muqdisho (Halqaran.com) – Gudoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Maxamed C/laahi Tuulax ayaa sheegay in haweeney ay isku qarxisay howlka shirarka Maamuka gobolka banaadir.

Waxa uu sheegay isagoo la hadlayay Warbaahinta In haweeneyda lagala shaqeeyay in ay gudaha usoo gasho howlka shirarka Maamuka gobolka banaadir, islamarkaana ay isqarxiso.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay wadaan baaritaano ay dib ugu eegayan kaamirooyinka ku xiran Xarunta Gobolka Banaadir iyo ciidankii xilligaa shaqada ku qornaa.

Haweeneyda isku qarxisay xarunta Gobolka banaadir ilaa haatan lama oga  halka laga soo diray, balse Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka.

Weerarkii xarunta Gobolka banaadir lagu qaaday waxaa ku dhintay Gudoomiye-yaasha Degmooyinka C/casiis, Shangaani iyo Waaberi, Agaasimihii Nadaafadda Gobolka Banadir, C/fitaax Cumar Xalane, Agaasimihi Shaqada iyo Shaqaalaha, C/laahi Dheere, Abukaate Xasan Maxamed Sabriye oo ahaa La-taliyihii Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Agaasimihii Qorsheynta Deegaanka Dowladda Hoose, Injineer Shuuriye, halka ay ku dhaawacmeen masuuliyiin uu ugu horeeyo Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan Eng Yariisow.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here