Kismaayo (Halqaran.com) – Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo booqday Kismaayo ayaa sheegay in weerarrada Al-Shabaab oo uu ugu dambeeyay midkii Kismaayo aanu wiiqeynin marnaba horumarka ay gaareen dadka iyo dowladda Soomaaliya.

Ergayga oo magaalada Kismaayo wada-hadal kula yeeshay hoggaamiyaha Jubbalaan Axmed Maxamed Islaam ayaa uga tacsiyeeyay weerarkii ay al. Shabaab ku qaadeen hoteel ku yaalla Kismaayo.

“Ficilkan argagixisanimada ah ma horjoogsan karo horumarka Jubalaaan ay ka gaartay dib-u-heshiisiinta iyo xasilloonida siyaasadeed. “Qaramada Midoobay waxay ku garab taagan tahay dadka iyo maamulka Jubalaan sidii ay ula tacaali lahaayeen masiibadan ba’an,” ayuu yiri Swan.

Masuulkan ayaa tacsi u diray qoysaskii ay ka baxeen dadkii ku geeriyooday weerarka isaga oo kuwa dhaawaca ahna u rajeeyay caafimaad iyo dib u soo kabasho degdeg ah.

12-kii bishan ayay ahayd markii baabuur laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa lala beegsaday hotel ay ku sugnaayeen siyaasiyiin, aqoonyahanno iyo dad magac ku dhex leh bulshada.

Si kastaba, weerarka Kismaayo ayaa galaaftay nolosha 26 qof, tiro intaa kabadanna dhaawacyo ayaa soo gaaray.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here