EU flags in front of European Commission

Brussels (Halqaran.com) – Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Midowga Yurub ayaa loogu baaqay in ay degdeg u caawiyaan kumannaan dad muhaajiriin ah oo ku xayiran xeryo ku yaalla dalka liibiya.

Wasiirradda ayaa kulan ku yeelanaya magalaalada Brussels ee dalka Belgium barri oo Isniin ah.

Kulankaas oo looga doodi doono arrimo ay ka mid yihiin sida laga yeelayo muhaajiriin badan oo ku jira xeryo ku yaalla Liibiya.

Xaaladda dadkan magangaliyo doonka ah ayaa meel sare gaartay markii dhawaan xerada Tajoura oo ah goob lagu hayo dadka muhaajiriinta ah lagu laayey daraasiin dad ah oo ay ku jireen carruur iyo haween.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Xuquuqul-insaanka ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in ay tahay in si degdeg ah loo sii daayo dhammaan dadka lagu hayo xeryaha ku yaalla dalka Liibiya.

War ay soo saareen hay’adaha Amnesty international iyo Human Rights Watch ayaa loogu baaqay  wasiirada arrimaha dibadda Midowga Yurub iyaga oo wakiilo ka ah dalalkooda in ay qaxootiga ku sugan liibiya ay u qaadaan meel ammaan ah oo ka baxsan dalka Liibiya, iyaga oo si gaar ah u dalbaday in dadkaa Yurub loo raro.

Matteo de Bellis,oo ah cilmibaare ka tirsan Amnesty International, ayaa sheegay in weerarkii argagaxa la haa ee ka dhacay Tajoura, horraantii bishan uu muujiyey khatarta ay ku sugan yihiin dadka Liibiya ku xiran ee aan meelna aadi Karin.

Tan iyo bilowgii Abril ee sanadkan , UNHCR waxa ay ku guuleysatay in ay  u qaaddo  289 ruux  dalka Niger la geeyey  halka dalka Talyaanigana laga dejiyey dad gaaraya  295 ruux.

Talyaaniga ayaa ah dalka kaliye ee ka tirsan Midowga Yurub ee ogolaaday in uu aqbalo dadka magangaliyo doonka ah ee Liibya ku sugan.

Waxaa jira eedeymo dhowr jeer loo jeediyey wadamada Yurub oo ku saabsan in ay gacan bidixeynayaan wax u qabashda dadka Liibya ku xayiran.

Sida laga  soo xigtay Hay’adda  Socdaalka Adduunka lixdii bishan, ciidamada ilaalada xeebaha Liibya ayaa dhexda u galay dibna ugu soo celiyey dalkaas dad gaaraya 3,750 oo ruux tan iyo bilowgii sanadkan.

Isla wakhti kaas la mid ah, dad gaaraya  5,000 oo qof ayaa gaaray dalalka Talyaaniga iyo Malta, halka 426 ay ku dhinteen biyaha Meditereeniyaanka iyaga oo doonaya in Yurub ay u tillaabaan.

Shirka dalalka Midowga Yurub ayaa dhacaya xilli gurmad xooggan ay ka wadaan dalka liibiya hay’addaha Gargaarka qaabilsan.

Xafiiska Halqaran.com, Nairobi
halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here