Sunday, December 7, 2025
26 C
Mogadishu

DHAGEYSO: DF Soomaaliya oo shaacisay xiliga lagu dhawaqayo guddiga Doorashooyinka

Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa markale ka hadashay in weli dowlad goboleedyada qaar soo gudbin Xubnaha ku matalaya Guddiyada heer dowlad Goboleed ee doorashada iyo khilaafaadka.

Wasiirka warfaafinta ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa shaaca ka qaaday in bisha November oo ay naga xigto hal maalin ay guddo geli doonaan dhammeystirka guddiyada doorashada.

Horay waxaa u jiray qaar kamid ah Maamul goboleedyada oo gudbiyay Xubnihii ku matali lahaa Guddiyada heer dowlad Goboleed ee doorashada iyo khilaafaadka, basle ay jiraan Maamul goboleedyo aan soo dhameystirn.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in heshiiskii doorashada ee la gaaray uu qorshuhu ahaa in 10-ka Bisha Octoober Guddiyada la dhammeystiro, hayeeshee cilad farsamo iyo dhisida xukuumadda cusub ay dib u dhaceen.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in Dowladda dhankeeda ay diyaar ka yihiin Xubnaha Guddiyada, basle ay jiraan maamul goboleedyo aan soo dhammeystirin.

Halka hoose ka dhageyso codka Wasiirka Warfaafinta Cusmaan Dubbe.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...