Monday, April 20, 2026
29 C
Mogadishu

Sawirro: Dibad-bax ka dhan ah DF Somalia oo maalintii labaad ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) –Darawallada gaadiidka dadweynaha ayaa saaka markale dhigay dibadbax looga soo horjeedo dowladda Soomaaliya iyo go’aanka ay ku xirtay waddooyinka magaalada Muqdisho.

Dibadbaxayaasha oo isugu soo baxay waddooyinka waa weyn, sida tan Makka Al-Mukarrama ayaa ka cabanaya jidadka laga xiray iyo lacago dheeraad ah oo ay sheegeen in lagu soo rogay.

Sidoo kale dibadbaxayaasha oo careysan ayaa hakad galiyey dhaq dhaqaaqa waddooyin muhiim u ah shacabka.

Gaadiidleyda ayaa dalbanaya in loo furo  dhammaan waddooyinka, si ay uga shaqeystaan gudaha magaalada Muqdisho.

Inta badan waddooyinka Caasimada ayaa sababa amni u xiran muddo dhowr bilood ah, taas oo culeys ku keentay nolosha shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Waa maalintii labaad oo xiriir ah oo darawallada gaadiidka BL-ka ay dhigayaan banaanbax, mana jirto weli jawaab laga bixiyey cabashadooda.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...