Monday, May 25, 2026
26.9 C
Mogadishu

DEG DEG + XOG CUSUB: Puntland oo ballan qaadan inay la wareegeyso dhismayaal ku yaalla Taleex, ganacsatada u dhashay Somaliland oo…

Garoowe (Halqaran.com) – Maamulka Puntland ayaa balan qaaday inay la wareegi doonto dhismayaal ku yaal degmada Taleex ee gobolka Sool si ay ugu qabato adeegyada bulshada degmadaasi iyo deegaamada hoos yimaada.

Dhismayaasha dowladda hoose, saldhigga magaalada iyo xarumo kale oo ay dhaqaalohooda ku dhiseen ganacsato u dhalatay deegaanka oo balan-qaad ka haystay maamulka Somaliland ayaa waxa ay Puntland u heshay fursad ay kula wareegto kadib markii maamulka Somaliland ka baxay balan-qaadkii hore.

Duqa degmada Taleex Iimaan Cali Shire ayaa warbaahinta u sheegay in ay dhiseen ganacsato reer Taleex ah, kadib markii maamulka Hargaysa uu u balan-qaaday inuu lacagta kaga baxda siin doono haseyeeshee uu uga baxay.

DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:

UPDATE: Mashruuc ay saxiixday Dowladda Soomaaliya oo durba ka billowday deegaannada Somaliland, waa magaaladee?

DAAWO SAWIRRO: Maxaa ka ogtahay Ujeedka Safarka madaxweynaha Somaliland ‘Biixi‘ uu ugu ambabaxay dalka Jabuuti

Guddoomiye Iimaan ayaa sheegay in Puntland ay hadda u soo jeensatey degmada Taleex ayna ganacsatadu soo dhoweeyeen in lacagtii kaga baxday ay ka qaataan xukuumadda Puntland ayna noqdaan goobo loogu adeego shacabka.

Geesta kale, shacabka reer Taleex ayaa si weyn u soo dhoweysey dhismaha waddo laami ah oo isku xiraysa Taleex iyo laamiga gobolada Waqooyi uga baxa Garoowe taasi oo uu horay u dhagax dhigay madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiwali Gaas, haseyeeshee uu dhismeheeda balan-qaaday Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta oo Xiiso Leh:



Xafiiska Halqaran.com, Garoowe
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...