Saturday, May 23, 2026
26.3 C
Mogadishu

Nin Dilay Haweeney ‘Deyn ku laheyd’ kadibna boosaneer ku riday Meydkeeda!

Baydhabo (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya, in meydka haweeney laga soo saaray Suuliga Xaafad ku tirsan magaalada Baydhabo.

Haweeneydan oo lagu magacaabo AUN Aamio Maxamuud Malaaq ayaa la waysanaa maalmihii la soo dhaafay, iyadoo shalay galab meydkeeda laga helay Boosaneer, kaddib markii la dilay, halkaasina lagu riday, sida ay booliska Koonfur Galbeed ay sheegeen.

Ciidamada Nabad sugidda Koonfur Galbeed ayaa ku guuleystay in meydka Allaha u naxariistee Aamina ay ka soo saaraan boosaneerta, kaddib markii uu ku riday ninkii dilay marxuumadda.

Warar ay helayso HalQaran News ayaa sheegaya, in ninka dilay haweeneydaas ay ku laheyd deyn, isagoona ugu yeeray gurigiisa oo uu u ballan-qaaday inuu ku wareejinayo gurigaasi, maadaama uusan bixin karin deyntii ay ku laheyd.

Balse, markii ay ugu timid gurigiisa ayuu dilay, kadibna wuxuu ku riday Suuliga, sidaas ayaana muddo maalmo ah lagu waysanaa meydka Marxuum Aamina, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen ehelladeeda.

Baaritaan dheer kadib, waxaa la sheegay in ninkii watay Bajaajta qaaday Aamina ee geysay guriga lagu dilay uu sheegay halkii ugu war dambeysay, waxaana lagu guuleystay in laga gun-gaaro kiiskaan oo la helo meydka, lana soo qabto ninkii dilka geystay.

Dhacdadan ayaa noqotay mid aad looga argagaxay magaalada Baydhabo, waxaana socda baaritaanno ay kiiskaan ku hayaan ciidamada Nabad Sugidda maamulka Koonfur Galbeed oo kaalin weyn ka geystay raadinta Meydka Allaha u naxariistee Aamina Maxamuud Malaaq.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...