26.7 C
Mogadishu
Friday, May 20, 2022

Wararkii ugu dambeeyay dagaalkii Dhuusamareeb & Khasaarihii ka dhashay

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Ciidamada kala duwan ee DF Soomaaliya oo ay wehlinayeen Ciidamada Maamulka Galmudug iyo xoogaga Ahlusunna Waljamaaca ayaa dagaal saacado badan qaatay waxa uu Jimcihii maanta ku dhex-maray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii xoogag ka tirsan Ahlusunna oo ka yimid dhinaca degaanka Bohol ay weerar ku qaadeen Magaalada Dhuusamareeb.

Waxaana dagaalka xoogiisa uu ka dhacay Xaafadaha Waaberi iyo Waxaracadde iyo Aaga Xarunta Inji iyo Saldhiga Booliska Magaalada Dhuusamareeb.

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay dad u badan dhinacyda dagaalamay, waxaana ilaa iyo hadda la xaqiiyay geerida Cabdulkhadir Alamagan oo kamid ahaa ilaalada gaarka ah ee Wasiirka waxbarashada Galmudug & Cabdalle jaamac indho maleh oo ahaa Sarkaal ka tirsan Ciidamada Ahlusunna.

Sidoo kale, waxaa jira tiro madaafiic ah oo ku dhacay Xaafado katirsan Magaalada Dhuusmareeb, kuwaas oo waxyeelo ay kasoo gaartay dad Shacab ah, sidoo kale guryo farabadan ay ku burbureen.

Cumar Da’uud oo kamida saraakiisha ciidanka madaxtooyada Galmudug kana mid ah saraakiisha huggaaminaysa dagaalka ayaa warbaahinta kula hadlay cirifka waqooyi ee Dhuusamareeb ayaa sheegay inay magaalada ka saareen xoogaga Ahlusunna ee soo weeraray, isla markaana ay ku daba jiraan.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in sidoo kale tiro maxaabiis ah ay xoogaga Ahlusunna dagaalka uga qabteen, isaga oo sheegay in sida ay dhiigooda u baneysteen ay iyana ula dagaalami doonaan.

Ugu dambeyn wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in dhinacyada ay gurmadyo kala duwan helayaan, waxaana ciidamada dowladda degmda Guriceel uga yimid Ciidamo isugu jira Gorgor iyo kuwa Booliska ah, halka xoogaga Ahlusunna ay Ciidamo horleh uga yimaadeen dhinaca degaanka Bohol.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Latest News

President-elect Hassan Sheikh to focus on security and political stability

Somalia’s newly elected president Hassan Sheikh Mohamud has confirmed...

West Africa anti-terror force laments Mali withdrawal

Mali’s decision to withdraw from a West African anti-jihadist...

US, Kenya discuss war on al-Shabaab

President Uhuru Kenyatta this week held talks with U.S....

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh holds talks with World Bank officials

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh Mohamud has held...

Kenya arrests six Al-Shabaab suspects in Mandera

At least six people suspected to have links with...

Imaaraadka Carabta oo Soomaaliya ugu deeqay lacag dhan $9.52malyan oo Dollar.

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha Imaaraatka Carabta ee cusub Maxamed Bin Zayid ayaa amray in ay Xukuumadiisu siiso Soomaaliya lacag dhan 35malyan oo Dirham, una...

Maamulka G/Gedo oo ka hor yimid ‘hadalkii Jubbaland’ in ciidamada laga saaro gobolkaasi

Gedo (Halqaran.com) - Maamulka Gobolka Gedo ayaa si adag uga horyimid in Ciidamada Dowladda laga saaro gobolkaasi, xilli Dowlad Goboleedka Jubbaland ay u ololeynayso,...

President-elect Hassan Sheikh to focus on security and political stability

Somalia’s newly elected president Hassan Sheikh Mohamud has confirmed that his government will focus on security and political stability. In an interview, Mohamud said his...