Muqdisho (Halqaran.com) – Guddiga qaba-qaabada doorashada Madaxweynaha JF Federaalka Soomaaliya ayaa Sabtida maanta ah soo saaray shuruudaha looga baahan yahay Musharaxiinta u taagan tartanka xilka Madaxweynaha dalka.
War qoraal ah oo ay soo saareen Guddiga doorashada Madaxweynaha dalka ayaa waxaa lagu sheegay in Musharraxiinta looga baahan yahay Warqada Codsiga xilka Musharaxnimo iyo mida aqoonsiga (ID ama Baasaboor).
Waxaa sidoo kale shuruudaha ku jira, warqada soo jeedinta Musharaxa iyo Warqada caddeyneysa buuxinta shuruudaha Musharaxnimo, Warqada caddeynta lacag qabashada iyo tan aqbalaada iyo u hoggaansamida natiijada doorashada.
Guddiga doorashada ayaa Musharraxiinta xilka Madaxweynaha ku Wargeliyay inay soo dhammeystiraan dhammaan shuruudaha laga rabo, si loo guddoonsiiyo shahaadada Musharaxnimo.
Isniinta berri ayaa magaalada Muqdisho ka billaaban doontaa diiwaangelinta musharraxiinta madaxweynaha, waxaana la qorsheynayaa doorashada inay dhacdo 15-da bishaan Maay ee ku beeggan Axadda soo socota.
Haddaba halka hoose ka akhriso Qoraalka Guddiga doorashada:
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com