Muqdisho(Halqaran.com) –Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) oo ahaa Taliyihii hore Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir ayaa loo doortay inuu noqdo Xildhibaan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda, kadib doorasho maanta ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb.
Saadaq Joon ayaa helay 81 cod, halka musharixii la tartamayey Cabdullaahi Xirsi Diirshe uu isna helay 17 cod sidoo kale waxaa halaabay 2 cod, sida uu shaaciyey guddiga doorashada.
Wafdi ka socda Guddiga doorashooyinka heer Federaal iyo kuwa doorashada dowlad Goboleedka Galmudug ayaa goobjoog ka ahaa doorashada ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb, ee uu kusoo baxay Saadaq Joon oo noqday Xildhibaan.
Kursigaan uu Maanta ku guuleystay Janeraal Saadaq Cumar Xasan ayaa waxaa horay ugu fadhiyay Maxamed Axmed Abtidoon.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com