Boosaaso (Halqaran.com) – Hal qof ayaa ku dhintay dhowr qof oo kalana dhaawacyo kala duwan ayaa ka soo gaaray qarax aad u xoogan oo ka dhacay meherad ku taalla xaafada Laanta-hawada ee magaalada Boosaaso.
Qarax oo la aaminsan yahay in uu ahaa nooc gacanta laga tuuro ayaa lala beegsaday Maqaayad lagu qayilo oo ay fariistaan saraakiil ka tirsan ciidamada Puntland, sido kale dadka ku dhaawacmay waxaa kamid ah Talye ku-xigeenkii hore Booliiska Gobolka Bari Axmed Jaraale.
Ciidamada Booliiska Puntland qeybta Gobolka Bari ayaa soo gaaray goobta ay wax ka dhaceen, iyaga oo baaritaano sameeyay halkaasi.
Sido kale Maanta ayay aheyd markii kooxo hubeysan ay Bartamaha magaalada Boosaaso ku dileen Talyihii Hore ee Kontoroolka magaalada, Barkhad Maxamed Jaamac, kaasi oo ay ciidamada ammaanka aysan dad u soo qaban.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com