Beladweyne (Halqaran.com) –Diyaarad sidday Ciidamo ka tirsan Booliska dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa sida gaarka u tababaran ee Haramcad ayaa ka degtay Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeellle.
Ciidamadaan oo laba diyaaradood si kala gaar gaar ah looga daabulay Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa laga dejiyay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababaha xilligaan Ciidamada loo geeyay Magaalada Beledweyne maadaama dhinac ay kajoogaan Ciidamada la magac baxay Kacdoonka Gobolka Hiiraan, kuwaas oo kasoo horjeeda Maamulka Hir-Shabeelle, hayeeshee waxaa wararka aan helnay ay sheegayaan in Ciidamadaan ay ka qeyb qaadan doonaan sugida Amniga Magaalada oo lagu qabanayo doorashada Golaha Shacabka.
Sido kale Tallaabada Ciidamada looga qaaday Muqdisho, laguna geeyay Magaalda Beladweyne ayaa lagu sheegay iyada oo muddo sanad ah uusan Beladweyne tegin Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo ay kasoo horjeedaan dadka degaanka iyo maleeshiyaad hubeysan.
Ugu dambeytii Qorshaha dowladda Soomaaliya ay Ciidamada ku geeysay Magaalada Beladweyne ayaa kusoo beegmaya xilli 24-kii Saac ee la soo dhaafay Magaalada lagu arkay Maleeshiyaad hubeysan oo kasoo horjeeda in Madaxweynaha Hir-Shabeelle uu tago Magaalada Beledweyne.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com
Halqarannews@gmail.com