26.7 C
Mogadishu
Friday, May 20, 2022

Madaxweynaha Tunuusiya oo go’aan deg-deg ah ka soo saaray Xaaladda dalkaasi

Tunisa (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dalka Tuniisiya ayaa go’aansaday in muddo bil ah oo dheeraad ah lagu kordhiyo xaaladda deg-degga ah ee dalkaas saarneyd, iyadoo dhaqdhaqaaqa Al-nnahda uu ugu baaqay mas’uuliyiinta dalkaas in ay sii daayaan dhammaan maxaabiistii loo xer-xeray bannaanbaxyadii ka socday dalka.

Sida lagu daabacay Wargeyska ku hadla Afka Dowlada ee Al-Raa’id, cadadkiisii ​​maanta, ayaa lagu sheegay in xaaladdii degdegga aheed la kordhiyay laga bilaabo 20-ka Janaayo, ayna sii jiri doonto ilaa 18-ka  bisha soo socoto ee Febraayo.

Madaxweynaha Tunuusiya Qeys Siciid, ayaa markii u horaysay xaaladdii degdega ah ee dalkiisa ku kordhiyay Lix  bilood, taasi oo ka bilaabaneeysay 26-kii  December 2020 ilaa June 23, 2021.

Sidoo kale dhawr jeer ayuu Madaxweynaha muddo kordhin ku sameeyay xaaladda deg-dega ah ee daliisa saarneed, iyadoo ay barbar socdeen isoo baxyo looga cabanaayo Xayiraada.

War qoraal ah oo Jimcihii ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Tunuusiya, ayaa lagu sheegay in dibad baxayaal careeysan ay weerar ku soo qadeen dhawr xero oo ay lahayeen Ciidamada Ammaanka.

Waddankna Tunuusiya ayaa waxaa ka jiray qalalaase siyaasadeed tan iyo 25-kii bishii July ee la soo dhaafay, markaasoo Madaxweyne Saacid uu ku dhaqaaqay tallaabooyin ay ka mid ahayeen in la hakiyo Awoodaha Baarlamaanka, xil ka qaadistii Ra’iisul Wasaaraha, iyo tallaabooyin kale.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Latest News

President-elect Hassan Sheikh to focus on security and political stability

Somalia’s newly elected president Hassan Sheikh Mohamud has confirmed...

West Africa anti-terror force laments Mali withdrawal

Mali’s decision to withdraw from a West African anti-jihadist...

US, Kenya discuss war on al-Shabaab

President Uhuru Kenyatta this week held talks with U.S....

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh holds talks with World Bank officials

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh Mohamud has held...

Kenya arrests six Al-Shabaab suspects in Mandera

At least six people suspected to have links with...

Imaaraadka Carabta oo Soomaaliya ugu deeqay lacag dhan $9.52malyan oo Dollar.

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha Imaaraatka Carabta ee cusub Maxamed Bin Zayid ayaa amray in ay Xukuumadiisu siiso Soomaaliya lacag dhan 35malyan oo Dirham, una...

Maamulka G/Gedo oo ka hor yimid ‘hadalkii Jubbaland’ in ciidamada laga saaro gobolkaasi

Gedo (Halqaran.com) - Maamulka Gobolka Gedo ayaa si adag uga horyimid in Ciidamada Dowladda laga saaro gobolkaasi, xilli Dowlad Goboleedka Jubbaland ay u ololeynayso,...

President-elect Hassan Sheikh to focus on security and political stability

Somalia’s newly elected president Hassan Sheikh Mohamud has confirmed that his government will focus on security and political stability. In an interview, Mohamud said his...