29.9 C
Mogadishu
Monday, May 23, 2022

Xiisad colaadeed oo ka taagan degmada BeledXaawo & Wararkii ugu dambeeyay

BeledXaawo (Halqaran.com) – Xiisad colaadeed ayaa waxaa weli laga soo sheegaya inay ka taagan tahay Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo, xilli kastana ay dhici karto inuu dagaal ku dhex maro dhinacyada isu haya.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa dhaqdhaqaaqyo iska soo horjeeda ka wada gudaha iyo duleedka ee Degmada BeledXaawo.

Ciidamada Dowladda ayaa fariisimo hor leh ka samaystay gudaha Degmada BeledXaawo, wixii ka dambeeyay gacan ka hadalkii dhex maray iyaga iyo Ciidamada Jubbaland, maalintii shalay.

Wararka ayaa sheegaya in Degmada Beled Xaawo laga dareemayo saan-saan colaadeed, iyadoo ay dadka deegaanka qaarkood u horseedeen inay guryahooda isaga cararaan.

Cabdisalaan Maxamed Salaad oo ka mid ah dadka reer BeledXaawo ayaa sheegay inay marxalad feejignaan ah ku jiraan Ciidamada Dowladda, halka Ciidamada Jubbaland ay iyaguna dhaqdhaqaaq ka samaynayan bannaanada hore ee Degmada Beled Xaawo.

“Qoladan ku sugan magaalada waxay qabaan cabsi ah in la soo weerari doono, feejignaan xoogan baa ka muuqata, qof u dhawaan karana lama arko. Qoladii kale waxay jooggaan magaalada afkeeda, markastana waad malayn kartaa inay wada dagaalamaan, saan saanteediina way muuqataa.” Ayuu yiri Cabdisalaan Maxamed Salaad.

Cabdisalaan Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa sidoo kale sheegay inay saaka xiran yihiin inta badan goobihii ganacsiga ee Degmada Beled Xaawo, dadka deegaankana ay isaga barakacayaan guryahooda.

“Inta badan goobaha ganacsiga way xiran yihiin, wixii ka dambeeyay shaqaaqadii shalay ka dhacday magaalada. Dhaqdhaqaaqa magaalada aad buu u xadidan yahay, dadkana barakac ayay ka wadaan magaalada. Shalay, xalay iyo saakaba way barakacayaan dadka.” Ayuu yiri Cabdisalaan Maxamed.

Masuuliyiinta Jubbaland ee ku sugan duleedka Degmada Beled Xaawo ayaa ku hanjabay inay iska difaaci doonaan Ciidamada Dowladda, ee lagu soo daabulay Gobolka Gedo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Latest News

ATMIS, SNA soldiers conclude training on military intelligence

Thirty-two drown from Somali national army and Africa Union...

Somalia’s elect-president Hassan Sheikh pledges to work on economic reforms

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh Mohamud and officials from...

SNA arrests al-Shabaab IED expert in Lower Shabelle

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh Mohamud and officials from...

Somali salaries safe thanks to IMF deal

Issa Abdull BBC Africa business journalist The International Monetary Fund (IMF)...

Jubbaland leader vows to intensify operations against al-Shabaab

Jubbaland state leader, Ahmed Mohamed Madobe has vowed to...

ATMIS, SNA soldiers conclude training on military intelligence

Thirty-two drown from Somali national army and Africa Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) have completed a training course on Intelligence, Surveillance and Reconnaissance (ISR). The...

Somalia’s elect-president Hassan Sheikh pledges to work on economic reforms

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh Mohamud and officials from Development Bank (AFDB held talks on Saturday. In a statement, the president and the officials from...

SNA arrests al-Shabaab IED expert in Lower Shabelle

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh Mohamud and officials from Development Bank (AFDB held talks on Saturday. In a statement, the president and the officials from...