29.9 C
Mogadishu
Monday, May 23, 2022

Wararkii ugu dambeeyay Xaaladda Dhuusamareeb iyo Ciidamo tiro badan oo lagu soo daadiyay magaalada

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Iyadoo gelinkii dambe ee Sabtidii shsalay magaalada Dhuusamareeb lagu dhaariyay laba iyo toddobaatan ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa waxaa magaalada lagu soo daadiyay ciidan aad ufara-badan.

Ciidamada Dowladda ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa xalay lagu soo daadiyay waddooyinka ugu muhiimsan isu socodka magaalada, si ay amniga u xoojiyan.

Wararka naga soo gaaraya magaalada magaalada Dhuusamareeb ayaa la sheegaya in xalay ay ka duwaneyd habeenadii la soo dhaafay, kadib markii ciidan fara-badan lagu arkay waddooyinka, isla-markaana ay si dhow ula socdeen dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidkaba.

Sidoo kale, Ciidamada Dowladda ayaa si weyn u adkeeyay amniga Xarunta Shirkoole ee shalay lagu dhaariyay Xildhibaanada cusub. Xaruntan ayaa waxaa maalmaha ina soo aadan kulamo ku yeelan doono Xildhibaanada, si loogu diyaar-garoobo qaban qaabada Doorashada Guddoonka Baarlamaanka.

Dhanka kale, Xarunta Maamulka Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ka bilowday kulamo loogu ololeynayo Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo Kuxigeenkiisa (Guddoonka Baarlamaanka).

Wararka ayaa sheegaya in wakiilada dhinacyada siyaasadda dalka ay si weyn uga dhex muuqdaan kulamada ka soconaya Magaalada Dhuusamareeb.

Doorashada ay sanadkan martigelinayso Magaalada Dhuusamareeb ayaa ka duwanaan doonto kuwii hore ee Galmudug, iyadoona si weyn loogu tartami doono loolanka loogu jiro Xafiiska Madaxtooyada.

Si kastaba, xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ee wax dooranaya ayaa waxaa la leeyahay waxaa si muuqato loogu musuq maasuqi doonnaa Doorashada Madaxtooyada, oo dhaqaalihii ugu badnaana la fillaayo inay ku soo kala jiitaan dhinacyada isu haya siyaasadda dalka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Latest News

ATMIS, SNA soldiers conclude training on military intelligence

Thirty-two drown from Somali national army and Africa Union...

Somalia’s elect-president Hassan Sheikh pledges to work on economic reforms

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh Mohamud and officials from...

SNA arrests al-Shabaab IED expert in Lower Shabelle

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh Mohamud and officials from...

Somali salaries safe thanks to IMF deal

Issa Abdull BBC Africa business journalist The International Monetary Fund (IMF)...

Jubbaland leader vows to intensify operations against al-Shabaab

Jubbaland state leader, Ahmed Mohamed Madobe has vowed to...

ATMIS, SNA soldiers conclude training on military intelligence

Thirty-two drown from Somali national army and Africa Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) have completed a training course on Intelligence, Surveillance and Reconnaissance (ISR). The...

Somalia’s elect-president Hassan Sheikh pledges to work on economic reforms

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh Mohamud and officials from Development Bank (AFDB held talks on Saturday. In a statement, the president and the officials from...

SNA arrests al-Shabaab IED expert in Lower Shabelle

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh Mohamud and officials from Development Bank (AFDB held talks on Saturday. In a statement, the president and the officials from...