30.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 17, 2022

UPDATE: Reer Galmudug oo isha ku haya dhaqdhaqaaqyada ku soo kordhay Dhuusamareeb (Maxaa cusub)?

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Bulshada reer Galmudug ayaa isha ku haysa dhaqdhaqaaqyada ka soo cusboonaday Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug, tan iyo markii uu tagey Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Xasan Cali Khayre, maalintii Isniinta.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ka soconaya kulamo uu Ra’iisal Wasaaraha Somaliya xal ugu raadinayo khilaafyada hareeyay geedi-socodka tallaabta 1aad ee doorashada, oo lagu soo xulayo Xildhibaanada Baarlamaanka.

Xasan Cali Khayre, Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ayaa Magaalada Dhuusamareeb kulamo kula qaadanayo dadka ay ka go’do Siyaasadda Galmudug, iyadoona uu ujeedku yahay in la dardar-geliyo dhismaha maamulka cusub.

Gobolada Dhexe ayaa waxaa tan iyo bishii June ka soo yeeraayay wararka liddiga ku ah habsami u socodka qorshayaasha maamulka lagu soo yegleelayo dadka reer Galmudug, khilaafkuna wuxuu ahaa mid dhasha, marba marka mid laga gudbo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya, Cabdi Maxamed Sabriye ayaa Odayaasha Dhaqanka ee ku hawlan soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka ku wargeliyay inay u diyaar-garoobaan kulan ay la qaataan Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre.

Ra’iisal Wasaare Khayre ayaa waxaa uu u muuqdaa mid u kabo gishtay, sidii uu u soo geba-gabeen lahaa foosha ku sii dheeraatay dhismaha maamulkan cusub.

Kulamada uu Khayre ka wado Xarunta Gobolka Galgaduud ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa barbar socda kulamo kale, oo ay magaaladaasi ku leeyihiin dhinacyada kale ee dowladda kula loomaya Doorashooyinka Baarlamaanka iyo midda Madaxtooyada.

Sidoo kale waxaa jira shirar kale oo magaalada uga socda haweenka iyo qaybaha kale ee bulshada, kuwaa oo la xiriira geedi-socodka doorashada. Haweenka ayaa dadaal ugu jira, sidii ay door muuqdo ugu yeelan lahaayen maamulka cusub ee dhawaan lagu wado in la soo dhiso.

Bashiir Nageeye oo ka mid ah dhalinta reer Dhuusamareeb ayaa Halqaran.com u sheegay in magaalada laga dareemay dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee maalmihii la soo dhaafay ku soo kordhay, isla-markaana ay dadka reer Galmudug isha ku hayaan dhaqdhaqaaqyadaasi.

Doorashadan ayaa waxaa la sii saaadaalinayaa inay noqon doonto mid wax badan ka duwan doorashooyinkii hore ee lagu soo dhisay maamuladii soo maray Galmudug.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

Latest News

Somalia elects Hassan Sheikh Mohamud as new president

Somali legislators have elected former leader Hassan Sheikh Mohamud...

Lebanon, Somalia conduct elections amid political instability

By Daniel Uria / UPI Lebanon and Somalia, both facing...

Three candidates quit Somali president race ahead of Sunday vote

Three candidates who were vying for the presidential race...

Somalia suspend flights ahead of presidential poll

Authorities of Aden Adde International Airport have announced that...

Explainer: Somalia presidential election where the people don’t vote

By AGGREY MUTAMBO Somalia is holding its presidential elections this...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay taliyeyaasha ciidanka xoogga dalka +SAWIRRO

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha JF Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee maanta kulan la qaatay Taliye-yaasha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Booliska, General...

Somalia elects Hassan Sheikh Mohamud as new president

Somali legislators have elected former leader Hassan Sheikh Mohamud as the country’s next president, following a long-overdue election on Sunday in the troubled Horn...

Hoggaamiyeyaasha Dowlad goboleedyada dalka oo hambalyo u diray Madaxweyne Xasan Sheekh

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha Dowladda goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), ayaa hambalyo udiray madaxwaynaha cusub ee JFS mudane Xassan Sheekh Maxamuud oo noqonaya...