30.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 17, 2022

UPDATE: Madaxweyne Farmaajo oo Asmara kula kulmay dhiggiisa dalka Eritrea Afwerki

Asmara (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea, ayaa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey dhiggiisa dalkaas Mudane Isaias Afwerki,.

Madaxweyna Farmaajo oo casuumaad rasmi ah oo qaadanaysa muddo labo maalmood ah ku joogaya Asmara ayaa wada-hadallada uu la leeyahay Madaxweyne Afwerki ay ku lafa-guri doonaan sidii loo dardargelin lahaa dhismaha hannaanka iskaashiga diblumaasiyadeed iyo dhaqan-dhaqaale ee labada dal, kaas oo ay Madaxdu isku afgarteen bartamihii sanadkii 2018-kii.

Labada Madaxweyne oo kulan saacado socday ku qaatay Madaxtooyada Asmara ayaa iska xog-waraystay dadaallada wadajirka ah ee labada dal ay ku xoojinayaan xiriirkooda walaaltinimo iyo xaaladaha u danbeeyey ee la xiriira xasilloonida amni, siyaasadeed iyo dhaqaale ee Gobolka.

Madaxweyne Afwerki ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdiga wehelinaya aqbaaladda martiqaadka uu u fidiyey, isagoona tilmaamay in is-dhaafsiga booqashooyinka heer Madaxeed ee Soomaaliya iyo Eritrea ay adkeysay kalsoonida iyo wax-wada-qabsiga labada dowladood.

Madaxweynaha JF Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sidoo kale dhankiisa uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka dalka Eritrea soo dhaweynta diirran iyo martiqaadka heerka sare ah ee ay ku maamuuseen isaga iyo wafdigiisa.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Latest News

Somalia elects Hassan Sheikh Mohamud as new president

Somali legislators have elected former leader Hassan Sheikh Mohamud...

Lebanon, Somalia conduct elections amid political instability

By Daniel Uria / UPI Lebanon and Somalia, both facing...

Three candidates quit Somali president race ahead of Sunday vote

Three candidates who were vying for the presidential race...

Somalia suspend flights ahead of presidential poll

Authorities of Aden Adde International Airport have announced that...

Explainer: Somalia presidential election where the people don’t vote

By AGGREY MUTAMBO Somalia is holding its presidential elections this...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay taliyeyaasha ciidanka xoogga dalka +SAWIRRO

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha JF Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee maanta kulan la qaatay Taliye-yaasha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Booliska, General...

Somalia elects Hassan Sheikh Mohamud as new president

Somali legislators have elected former leader Hassan Sheikh Mohamud as the country’s next president, following a long-overdue election on Sunday in the troubled Horn...

Hoggaamiyeyaasha Dowlad goboleedyada dalka oo hambalyo u diray Madaxweyne Xasan Sheekh

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha Dowladda goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), ayaa hambalyo udiray madaxwaynaha cusub ee JFS mudane Xassan Sheekh Maxamuud oo noqonaya...