27.9 C
Mogadishu
Thursday, May 26, 2022

RW Kheyre oo ka hadlay dardar-gelinta dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo maanta kulan la qaatay maamulaha Shirkadda Enez, Seracettin Aksun, ayaa uga tacsiyeeyay dhibaatooyinkii Argagaxisadu u geysatay howl-wadeennadooda intii ay ku guda jireen dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo qayb ka ah mashaariicda lagu horumarinayo kaabashaada dhaqaalaha iyo isu socodka dadka iyo gaadiidka.

Seracettin Aksun oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay garab istaagga joogtada ah, ayaa caddeeyay in taageerada shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ku dhiirri gelineyso inay si buuxda u sii wadaan dhismaha waddada, saameynna aysan ku yeelan weerarada uga imaanaya argagaxisada damaceedu yahay inay dadka iyo dalka Soomaaliyeed ay kusii jiraan burburka iyo horumar la’aanta.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dowladda iyo shacabka Turkiga iyo shirkadda Enez, waxuu uga mahad celiyay sida hagar la’aanta ah ee hantidooda iyo dhiigooda ay ugu hurayaan horumarinta iyo dadaallada dib-u-kabashada dalka.

Mudane Khaye ayaa maamulaha shirkadda u ballan qaaday in dowladda Soomaaliyeed ay mas’uuliyad buuxda iska saareyso ammaanka howl-wadeenna ka shaqeynaya dhismaha wadada, waxuuna ku dhiirri geliyay inay laba jibaaraan howlkarnimada iyo geesinimada, si argagaxisada loogu muujiyo in weerarada naf-lacaarinimada ah aysan hor istaagi karin qorshaha horumarinta dalka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Latest News

Taiwan, Somaliland ink energy cooperation deal

Somaliland authorities in northern Somalia have inked energy and...

The United States Donates an Additional 286,650 Doses of Pfizer COVID-19 Vaccine with Somalia

The U.S. Embassy in Mogadishu is pleased to announce...

Somali students and graduates turn to online education

Puntland law graduate Fartun Abdirahman Adan, 28, managed to...

One person likely dying from hunger every 48 seconds in drought-ravaged East Africa

One person is likely dying of hunger every 48...

UN calls for National reconciliation in Somalia

United Nations (UN) has called for national reconciliation to...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay ergayga Midowga Yurub u qaabilsan geeska Afrika

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha JF Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada dalka kulan kula qaatay wafdi ay hoggaamineyso Ergeyga Gaarka ah ee Midowga...

Taiwan, Somaliland ink energy cooperation deal

Somaliland authorities in northern Somalia have inked energy and mineral resources cooperation agreement with Taiwan this week. In a statement, Taiwan diplomatic office said the...

The United States Donates an Additional 286,650 Doses of Pfizer COVID-19 Vaccine with Somalia

The U.S. Embassy in Mogadishu is pleased to announce the delivery of an additional 286,650 doses of the Pfizer COVID-19 vaccine, which the United...