26.4 C
Mogadishu
Tuesday, May 24, 2022

Maxay Ahlu Sunnada Galmudug ka dooneysaa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya?

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo shalay Madaxweynaha Galmudug loogu doortay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa ka hadlay waxa ay xilligan ka doonayan Dowladda Federaalka.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Madaxii Xukuumadda Galmudug ayaa sheegay inay Dowladda Federaalka ka doonayan inay u tanaasusho shacabka reer Galmudug, isla-markaaba ay khiyaarkooda dhageysato.

“Dowladda Federaalka Somaliya, maadaama dowladdii wadanka ay tahay inay u tanaasusho Shacabka Dowlad Goboleedka Galmudug, ay dhageysato oraahdooda, amnigooda iyo rabitaankooda, wax kalena aan laga dul keenin, taana dowladda waa u sii iftiimin lahaa.” Ayuu yiri Madaxweynaha ay doorteen Xildhibaanada garabka Ahlu Sunna.

Isagoo la hadlayay Laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayuu sheegay in dowladda looga fadhiyo inay cid kasta ku taageerto horumarkeeda iyo sidii ay wax u qabsan laheyd, isagoo intaa ku daray inay Galmudug wax qabsatay, wixii ka dhimana ay qabsan doonto.

“Maadaama ay tahay dowladdii dadka ka dhaxeysay, wax dadka ka dhaxeeya ay meteleyso inay qola kasta ku taageerto horumarkeeda iyo sidii ay wax u qabsan laheyd, intaas keliya weeye waxaan ka rabno. Hadana Galmudug wax bay qabsatay, waxna waa qabsan doontaa.” Ayuu yiri Sheekh Maxamed Shaakir.

Su’aal ahayd sida ay ka yeelanayan Madaxweynaha weli talada Galmudug haya ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay inay wax kasta ka heshiin doonaan, haddii aanay soo fara-gelin Dowladda Federaalka.

“Runtii midnimada Galmudug ee Caasimadda ku midowday oo ay timid, Madaxweyne Xaaf iyo aniga waan isla helnay, hadeerna sidii baan u horseedeenaa, haddii Dowladda Federaalku faraha nagala baxdo.” Ayuu yiri Sheekh Maxamed Shaakir.

Sheekh Shaakir oo sii xoojinaya baaqiisa dowladda ayaa yiri “Dowladda Federaalka Somaliya, Somaliya oo dhan bay ka dhaxeysaa inay na taageerto, kor joogto noo noqotana waa waajibkeeda, ayadana waan ka sugeynaa. Intii ay u tartay Galmudug-na waan ugu hambalyeynaynaa, meeshaan ay hadda keentayna anagaa dooneyno inaan ka sii amba-qaadno.”

Hadalka Sheekh Maxamed Shaakir ayaa ku soo aadaya, xilli Dowladda Federaalka ay toddobadka soo socdo isu diyaarineyso inay Magaalada Dhuusamareeb ku qabato doorasho kale, oo ay tahay in lagu soo doorto Madaxweynaha Galmudug iyo Kuxigeenkiisa.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Latest News

Court in Somaliland sentences journalist Oldon to two years in jail

A court in Somalia’s breakaway northern territory of Somaliland...

President Hassan Sheikh officially assumes office +(PHOTOS)

Somalia’s newly President Hassan Sheikh Mohamud has today officially...

Saudi Arabia bans citizens from travelling to Somalia

Saudi Arabia has banned its citizens from travelling to...

ATMIS, SNA soldiers conclude training on military intelligence

Thirty-two drown from Somali national army and Africa Union...

Somalia’s elect-president Hassan Sheikh pledges to work on economic reforms

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh Mohamud and officials from...

UK foreign aid cut came at ‘worst moment in history’: Opposition MP

LONDON: The UK’s humanitarian aid budget was slashed by 51 percent last year, disproportionately affecting some of the world’s neediest countries, including Yemen and...

Court in Somaliland sentences journalist Oldon to two years in jail

A court in Somalia’s breakaway northern territory of Somaliland has sentenced a journalist to two years in prison months after he was acquitted by...

President Hassan Sheikh officially assumes office +(PHOTOS)

Somalia’s newly President Hassan Sheikh Mohamud has today officially assumed office following transfer of power ceremony at the Presidential Palace. Speaking at the handing over ceremony,...