27.9 C
Mogadishu
Thursday, May 26, 2022

Guddoomiyaha Baarlamaanka JF Somaliya ‘Mursal’ oo dhiggiisa dalka Algeria la kulmay +(SAWIRRO)

Algeria (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan Dalka Burkina Faso ayaa Caasimadda dalkaasi waxa uu kulan kula qaatay guddoomiyaha Baarlamaanka ee Algeria oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo sidoo kale iskaashiga baarlamaanada labada wadan.

Sidoo kale, labada Guddoomiye ayaa isku afgartay siddii xiriir khibrad isweydaarsi ah u sameysan lahaayeen.

Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen kulankooda ka dib ayaa guddoomiyaha Baarlamaanka ee Dalka Algeria Suleymaan shaneyn waxu uu faah faahiyay waxa ay isku afgarteen.

Sidoo kale, guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdirxmaan ayaa sheegay in Kulanka inta uu socday la isku afgartay In la xoojiyo xiriirka labada wadan iyo wada shaqeynta labada baarlamaan.

Kulanka waxa uu qeyb ka yahay kulamo gaar gaar ah oo guddoomiyaha golaha shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu la qaadanayo madaxda ka qeyb galeysa shirka Midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka ee ka socda Magaaladda Aougadougou ee Caasimadda Dalka Burkina Faso.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Latest News

Taiwan, Somaliland ink energy cooperation deal

Somaliland authorities in northern Somalia have inked energy and...

The United States Donates an Additional 286,650 Doses of Pfizer COVID-19 Vaccine with Somalia

The U.S. Embassy in Mogadishu is pleased to announce...

Somali students and graduates turn to online education

Puntland law graduate Fartun Abdirahman Adan, 28, managed to...

One person likely dying from hunger every 48 seconds in drought-ravaged East Africa

One person is likely dying of hunger every 48...

UN calls for National reconciliation in Somalia

United Nations (UN) has called for national reconciliation to...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay ergayga Midowga Yurub u qaabilsan geeska Afrika

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha JF Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada dalka kulan kula qaatay wafdi ay hoggaamineyso Ergeyga Gaarka ah ee Midowga...

Taiwan, Somaliland ink energy cooperation deal

Somaliland authorities in northern Somalia have inked energy and mineral resources cooperation agreement with Taiwan this week. In a statement, Taiwan diplomatic office said the...

The United States Donates an Additional 286,650 Doses of Pfizer COVID-19 Vaccine with Somalia

The U.S. Embassy in Mogadishu is pleased to announce the delivery of an additional 286,650 doses of the Pfizer COVID-19 vaccine, which the United...