26.7 C
Mogadishu
Friday, May 20, 2022

CAAFIMAADKA: Shanta Qodob ee kaa badbaadin kara cudurro halis ah haddii aad ka fogaatid

Muqdisho (Halqaran.com) – Isku day inaad la dagaalanto shantan waxyaabood si aad uga hortagto caafimaad darro:-

1- Sigaar cabista
2- Jimicsi la’aanta ama aalamiito la’aan
3- Inaad cayisho ama uu miisaan-kaagu aad u kordho
4- Cabista aalkolada iyo cunnada badan,
5- Cunnada aan caafimaadka u wanaagsaneyn ama aan dheelli tirneyn.

Qodobadani waxaa lagu soo qaatay darasaad cusub oo lagu falanqeeyay ka fogaanshaha shantaas shay fursadda ay aadanaha u siin karaan nolol waqti dheer ah oo ay kaga fogaan karaan cudurrada dilaaga ah sida macaanka ama sonkorta, wadno-xanuunka, dhiig-karka,kansarka iyo cudurrada kale ee halista ah.

“waxaan ogaanay in raacitaanka hannaanka looga fogaado shantaas qodob ay fursad buuxda u siineyso qofka bad-qab iyo nolol wakhti dheer ah” ayuu yiri qoraa sare Dr. Frank Hu oo madax ka ah waaxda nafaqada ee Havard T.H.

“Dumarka iyagu tijaabiyay ka fogaanshaha shantaas qodob hadda waxa ay sii marayaan in ka badan 10 sano oo ay xor ka yihiin ama aysan haleelin cudurrada dilaga ah, sidoo kale raga iyaguna tijaabiyay habkan ku dhowaad 10 sano ayey xor ka iyiin cudurrada waaweyn” Dr Hu ayaa sidaas yiri.

Daraasaddani waxa ay leedahay in kabadan 38,000 oo rag ah oo28 jir ah iyo 73,000 oo dumar da’dooduna tahay 34 jir ayaa daraasadani lagu sameeyay.

Ragga daraasadani lagu sameeyay ayaa lagu ogaaday in aysan soo haleelin cudurrada dilaaga ah in ka badan 12 sano, halka dumarkuna ay xor ka noqdeen cudurradaas in kabadan 14 sano.

Dadka joogteeya ka fogaanshaha Sigaarka, ilaalinta miisaanka oo BMI-ga qofka uusan ka sare marin 25, ka fogaansaha cabista aalkolada, cunnada badan ee aan dheeli tirneyn iyo sameynta jimicsi ugu yaraan 30 daqiiqo maalintii ay ka bad baadayaan cudurrada kala ah: 1. Sonkorta ama macaanka 2. Dhiig-karka 3. Wadno-xanuunka 4. Kansarka iyo cudurro kale.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Latest News

President-elect Hassan Sheikh to focus on security and political stability

Somalia’s newly elected president Hassan Sheikh Mohamud has confirmed...

West Africa anti-terror force laments Mali withdrawal

Mali’s decision to withdraw from a West African anti-jihadist...

US, Kenya discuss war on al-Shabaab

President Uhuru Kenyatta this week held talks with U.S....

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh holds talks with World Bank officials

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh Mohamud has held...

Kenya arrests six Al-Shabaab suspects in Mandera

At least six people suspected to have links with...

Imaaraadka Carabta oo Soomaaliya ugu deeqay lacag dhan $9.52malyan oo Dollar.

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha Imaaraatka Carabta ee cusub Maxamed Bin Zayid ayaa amray in ay Xukuumadiisu siiso Soomaaliya lacag dhan 35malyan oo Dirham, una...

Maamulka G/Gedo oo ka hor yimid ‘hadalkii Jubbaland’ in ciidamada laga saaro gobolkaasi

Gedo (Halqaran.com) - Maamulka Gobolka Gedo ayaa si adag uga horyimid in Ciidamada Dowladda laga saaro gobolkaasi, xilli Dowlad Goboleedka Jubbaland ay u ololeynayso,...

President-elect Hassan Sheikh to focus on security and political stability

Somalia’s newly elected president Hassan Sheikh Mohamud has confirmed that his government will focus on security and political stability. In an interview, Mohamud said his...