Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Guddiga doorashada Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa Talaadadii maanta soo saaray jadwalka Doorashada Madaxweynaha Maamulkaasi iyo Ku-xigeenadiisa.
Qoraal ka soo baxay guddiga ayaa lagu shaaciyey in 24 ilaa 25 ay qabsoomi doono diiwaangelinta musharixiinta, halka 26 ilaa 27 la dhageysan doono khudbadaha musharixiinta Madaxweynaha Galmudug iyo ku-xigeenkiisa.
Guddiga ayaa ugu dambeyn sheegay in Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug ay dhaceyso 30-ka bishan January.
Halka hoose ka akhriso:
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com