26.7 C
Mogadishu
Friday, May 20, 2022

XOG: Maxaa ka soo baxay kulankii maanta dhexmaray Madaxweynaha HirShabeelle Waare iyo James Swan?

Jowhar (Halqaran.com) – Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare iyo Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan ayaa kulankoodii labaad muddo toddobaad ah ku yeeshay xarunta maamulka Hirshabelle ee Jowhar.

Sidoo kale, kulankan waxaa goobjoog ka ahaa Ergeyga Midowga Yurub ee Soomaaliya, Nicolas Berlanga, Ku xigeenka wakiilka gaarka ah Midowga Afrika, saraakiil ka socotay Urur goboleedka IGAD.

Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen Madaxweyne Waare iyo Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midobaay James Swan ayaa waxa ay ku faahfaahiyeen kulankii ay yeesheen.

“Waxaan Ka wadahadalnay arrimo ay ka mid yihiin amniga, samafalka, guud ahaan xaalada dalka iyo arrimaha doorashooyinka 2020ka.”ayuu yiri Madaxweyne Waare.

“Wadahadalo aad u qoto dheer ayaan yeelanay annago dhinacyo badan ka hadalnay”ayuu sii raaciyay Madaxweynaha Hirshabelle.

Sidoo kale Ergeyga gaarka ah ee Wakiilka Qaramada Midoobay James Swan oo hadlay ayaa sheegay.

“Waxaan halkan nimid aniga iyo wakiilo ka socda Midowga Afrika,Midowga Yurub iyo IGAD caasimada Hirshabelle markii labaad ayaan nimid annagoo wadatashiyo la yeelanayno arrimaha Federalka iyo weliba doorashooyinka 2020.”ayuu yiri James Swan.

Sidoo kale wuxuu hadalkiisa sii raaciyay Mr. James, ‘‘Waxaan la hadlaynaa dhinacyada kala duwan ee qeybaha bulshada, hogaamiyaasha bulshada si aan u ogaano fikradahooda la xiriira arrimaha doorashoyinka, horumarinta bulshada iyo ammaanka‘‘.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Latest News

President-elect Hassan Sheikh to focus on security and political stability

Somalia’s newly elected president Hassan Sheikh Mohamud has confirmed...

West Africa anti-terror force laments Mali withdrawal

Mali’s decision to withdraw from a West African anti-jihadist...

US, Kenya discuss war on al-Shabaab

President Uhuru Kenyatta this week held talks with U.S....

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh holds talks with World Bank officials

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh Mohamud has held...

Kenya arrests six Al-Shabaab suspects in Mandera

At least six people suspected to have links with...

Imaaraadka Carabta oo Soomaaliya ugu deeqay lacag dhan $9.52malyan oo Dollar.

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha Imaaraatka Carabta ee cusub Maxamed Bin Zayid ayaa amray in ay Xukuumadiisu siiso Soomaaliya lacag dhan 35malyan oo Dirham, una...

Maamulka G/Gedo oo ka hor yimid ‘hadalkii Jubbaland’ in ciidamada laga saaro gobolkaasi

Gedo (Halqaran.com) - Maamulka Gobolka Gedo ayaa si adag uga horyimid in Ciidamada Dowladda laga saaro gobolkaasi, xilli Dowlad Goboleedka Jubbaland ay u ololeynayso,...

President-elect Hassan Sheikh to focus on security and political stability

Somalia’s newly elected president Hassan Sheikh Mohamud has confirmed that his government will focus on security and political stability. In an interview, Mohamud said his...