27.9 C
Mogadishu
Thursday, May 26, 2022

Xildhibaan si kulul u weeraray Ciidamada ku sugan Koontaroollada Madaxtooyada Villa Soomaaliya

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi

Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu dhaliilay Ciidamada Dowladda Soomaaliya, ee ku sugan kontoroolada ku yaala waddooyinka ku teedsan Aqalka Madaxtooyada Soomaaliya (Villa Soomaaliya).

Ciidamadan ayaa waxaa la faray inaanay Villa Soomaaliya u soo fasixi karin Masuuliyiinta Dowladda iyo Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida qaarkood, illaa ay ka reebaan ilaalada la socota, ciidamada ayaana amarkaasi fuliyay.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa wuxuu ciidamadan ku eedeeyay inay si khalafsan ula dhaqmayaan Masuuliyiinta Hay’adaha Dowladda ka tirsan, isla-markaana ay si gaar ah u wajahayaan masuuliyiinta ay ilaaladoodu wadato dareyska Ciidamada Booliska.

“Ciidamadu si aan asluubeysnayn ayay ula dhaqmayaan Masuuliyiinta Dowladda, waxaana la yaab leh In Ciidamada Booliska dareyskooda ciddii wadata aysanba carriga ka soo ag-dhawaan karin.” Ayuu yiri Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi.

Mudanaha Golaha Shacabka ka tirsan ayaa yiri “Hay’adaha Dowladda ee agagaarka Madaxtooyada ku yaala waxba kalama socdaan amarkaas soo boodada ah, mana jirto cid fasiraad ka bixisay waxa loola keedo, marka laga reebo in askarta qaarkood ay ka xun tahay waxa ay samaynayaan oo ku dhahayaan kor ayay arrintu ka socotaa.”

Xildhibaan Fiqi ayaa wuxuu sheegay inaanay Xildhibaanada Golaha Shacabka ku shaqayn karin xaaladan soo korortay, xilli ay ilaaladooda u badan yihiin askar ka tirsan kuwa Booliska.

“Hay’adda Golaha Shacabku kuma sii shaqayn karto xaaladdu, hadda sida ay tahay, haddii deg deg wax looga bedelin. Suurtagalna ma ahan Madaxweynaha In ay isaga qaldanto Masuuliyiintii Hay’adaha Dowladda iyo kooxda Al Shabaab, mana ahan Madaxweynuhu inuu ka naf jecleysto umadda inteeda, asagoo Madaxtooyada dhexdeeda loogu keenayo cabashada umadda iyo tan Masuuliyiinta Dowladda.” Ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.

Xildhibaan Fiqi ayaa wuxuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku dhaliilay mudada uu xukunka hayo in la kala xiray isu socodkii Magaalada Muqdisho.

“Madaxweyne Farmaajo saddexdii sano ee uu talada dalka hayey waxa la kala xiray isku socodkii Magaalada Muqdisho, sanadkii u dambeeyeyna waxaa bilowday kala xirista isu socodka Hay’adihii Dowladda.” Ayuu yiri Xildhibaan Fiqi oo warkan ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Latest News

Taiwan, Somaliland ink energy cooperation deal

Somaliland authorities in northern Somalia have inked energy and...

The United States Donates an Additional 286,650 Doses of Pfizer COVID-19 Vaccine with Somalia

The U.S. Embassy in Mogadishu is pleased to announce...

Somali students and graduates turn to online education

Puntland law graduate Fartun Abdirahman Adan, 28, managed to...

One person likely dying from hunger every 48 seconds in drought-ravaged East Africa

One person is likely dying of hunger every 48...

UN calls for National reconciliation in Somalia

United Nations (UN) has called for national reconciliation to...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay ergayga Midowga Yurub u qaabilsan geeska Afrika

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha JF Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada dalka kulan kula qaatay wafdi ay hoggaamineyso Ergeyga Gaarka ah ee Midowga...

Taiwan, Somaliland ink energy cooperation deal

Somaliland authorities in northern Somalia have inked energy and mineral resources cooperation agreement with Taiwan this week. In a statement, Taiwan diplomatic office said the...

The United States Donates an Additional 286,650 Doses of Pfizer COVID-19 Vaccine with Somalia

The U.S. Embassy in Mogadishu is pleased to announce the delivery of an additional 286,650 doses of the Pfizer COVID-19 vaccine, which the United...