30.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 17, 2022

Siyaasi Xasan Muudey: ‘Waxaan nahay ummad aan xitaa AYAXA iska difaaci karin, Daciifnimada dalkeyga ka jirta’!

Muqdisho (Halqaran.com) – Siyaasiga Xasan Cabdulqaadir Muudey ayaa si dareen ah kaga hadlay dhibaatada uu Ayaxa ku haya beeraha dalka iyo sida ay dadka Soomaaliyeed uga hortaggi la’yihiin.

Bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa laba toddobaadkii ka hor lagu arkay Ayax tiro badan, oo si raxan raxan ah ugu duldegaaya dhul beereedyada, iyadoona uu marba marka ka dambeyso ku sii fidaayo dhul hor leh.

Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa ka taagan dagaal aad arkeyso inuu u dhaxeeyo beeraleyda iyo Ayaxa, waxa ayna beeraleyda u taag la’dahay Ayaxa duulaanka ku ah dalaga beerahooda.

Xasan Cabdulqaadir Muudey oo dareenkiisa ku cabiraya xaaladda taagan ayaa yiri “Qabweynidii ka jiray dalkeyga waxay iiga soo idlaatay markii dadkii uu iska difaaci waayay cayayaankii, ee aan wada garaneynay ee Ayaxa.”

Waxa kaloo uu yiri “Daciifnimada dalkeyga ka jirta Ayax markaan iska difaaci weynaa ku dareemay. Waxaan nahay umad aan Ayax xitaa iska difaaci karin.”

Xasan Cabdulqaadir ayaa tilmaamay in dalka uu maanta ku sugan yahay marxalad ka hooseysa, intii uu aragti ahaan ka haystay.

“Ayaxa mar keliya dalka ka dilaacay ee beerihii baabi’ibiyay, markaan arkay sida aan isaga difaaci la’nahay ayaa garowsaday in dalkeygu uu ku sugan yahay heer ka sii liita, intii aan is lahaa.” Ayuu yiri Xasan Cabdulqaadir oo la hadlay Warbaahinta gudaha.

Muudey ayaa qaba in tani ay tahay imtixaan ay marayaan dadka Soomaaliyeed, isagoona Soomaalida ugu baaqay inta ay goori goor tahay in ay is dabar qabtaan.

“Waxay ila tahay waa imtixaan iyo baraarug ay mudan tahay inay dadka Soomaaliyeed ku baraarugaan, isna dabar qabtaan. Haddii kale maanta waa Ayax, berrina waa wax ka sii liito anagoo iska difaaci weyno.” Ayuu yiri Muudey.

Ina Muudey ayaa yiri “Umad waxay horumar ku gaari kartaa marka ay wada jirto, laakiin umad kala qub quban, oo iyada dhexdeeda cadow isku ah, horumarka laga suggi karo muxuu yahay?”

Isagoo xoojinaya baaqiisa uu ku baraarujinayo ummada Soomaaliyeed ayaa wuxuu yiri “Baraarujinteeda waxaa waaye dersi aan ka kororsano ama aan ka barano casharka uu maanta inoo dhigay cayayaanka Ayaxa guur guura ama duul duula, wixii doonaba hala dhahee.”

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Latest News

Somalia elects Hassan Sheikh Mohamud as new president

Somali legislators have elected former leader Hassan Sheikh Mohamud...

Lebanon, Somalia conduct elections amid political instability

By Daniel Uria / UPI Lebanon and Somalia, both facing...

Three candidates quit Somali president race ahead of Sunday vote

Three candidates who were vying for the presidential race...

Somalia suspend flights ahead of presidential poll

Authorities of Aden Adde International Airport have announced that...

Explainer: Somalia presidential election where the people don’t vote

By AGGREY MUTAMBO Somalia is holding its presidential elections this...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay taliyeyaasha ciidanka xoogga dalka +SAWIRRO

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha JF Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee maanta kulan la qaatay Taliye-yaasha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Booliska, General...

Somalia elects Hassan Sheikh Mohamud as new president

Somali legislators have elected former leader Hassan Sheikh Mohamud as the country’s next president, following a long-overdue election on Sunday in the troubled Horn...

Hoggaamiyeyaasha Dowlad goboleedyada dalka oo hambalyo u diray Madaxweyne Xasan Sheekh

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha Dowladda goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), ayaa hambalyo udiray madaxwaynaha cusub ee JFS mudane Xassan Sheekh Maxamuud oo noqonaya...