26.7 C
Mogadishu
Friday, May 20, 2022

Nin Walaalkiis ku dilay magaalada Dhuusamareeb oo la qabtay

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Ciidamada Booliska Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa gacanta ku soo dhigay nin walaalkiis xalay ku dilay Magaalada Dhuusamareeb.

Faa’id Salaad Caraale ayaa Ciidamada Booliska ee Magaalada Dhuusamareeb Gacanta ku dhigeen kaas oo hadda ku xiran Saldhiga Booliska magaalada ka dib markii uu Xalay Dilay Walaalkiis Raage Saalax Caraale.

Dilka ayaa waxaa uu ka dhacay Xaafadda Waabari waxaana hada socanaya Baaritaan kaas oo la xariira waxyaabaha keenay in Faa’id inuu Dilo Walaalkiis.

Taliyaha Booliska Dhuusamareb ahna Taliyaha Xasilinta Caasimada Gaashaanle Cabdullahi Xassan Macallin ayaa warbaahinta u sheegay inuu Xiran yahay Ninka Dilka gaystay Baaritaan ka dibna ay ka bixin doonaan Faahfaahin.

Dadka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay dilka inuu salka ku haayo muran ka dhex taagnaa labadan wiil muddooyinkii dambe, kaasi oo sababay ugu dambeyn in Faai’id dilo walaalkiis.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa si wayn looga hadal hayaa dilka ninkaan uu u gaystay walaalkiis.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Latest News

President-elect Hassan Sheikh to focus on security and political stability

Somalia’s newly elected president Hassan Sheikh Mohamud has confirmed...

West Africa anti-terror force laments Mali withdrawal

Mali’s decision to withdraw from a West African anti-jihadist...

US, Kenya discuss war on al-Shabaab

President Uhuru Kenyatta this week held talks with U.S....

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh holds talks with World Bank officials

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh Mohamud has held...

Kenya arrests six Al-Shabaab suspects in Mandera

At least six people suspected to have links with...

Imaaraadka Carabta oo Soomaaliya ugu deeqay lacag dhan $9.52malyan oo Dollar.

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha Imaaraatka Carabta ee cusub Maxamed Bin Zayid ayaa amray in ay Xukuumadiisu siiso Soomaaliya lacag dhan 35malyan oo Dirham, una...

Maamulka G/Gedo oo ka hor yimid ‘hadalkii Jubbaland’ in ciidamada laga saaro gobolkaasi

Gedo (Halqaran.com) - Maamulka Gobolka Gedo ayaa si adag uga horyimid in Ciidamada Dowladda laga saaro gobolkaasi, xilli Dowlad Goboleedka Jubbaland ay u ololeynayso,...

President-elect Hassan Sheikh to focus on security and political stability

Somalia’s newly elected president Hassan Sheikh Mohamud has confirmed that his government will focus on security and political stability. In an interview, Mohamud said his...