29.9 C
Mogadishu
Monday, May 23, 2022

Maxay ahaayeen labada Hindise Sharciyeed oo ay maanta meel mariyeen Xildhibaannada Golaha Shacabka ee BF Soomaaliya?

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Feeraalka Soomaaliya

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo kulanka shir guddoominayay ayaa ugu horeyn ku baaqay in si deg deg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaal beeleedyo khasaare badan dhaliyey oo kasoo cusboonaaday deegaanno ka tirsan Gobolka Mudug, sidoo kalena maamulada Puntland iyo Galmudug ay dib u heshiisiin dhex dhigaan walaalaha ay dirirtu u dhaxeyso.

Sidoo kale Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa u codeeyay labada heshiis ee kala ah Heshiiska Illaalinta Hidda Dhaqameedka aan la taaban karin iyo sidoo kale Heshiis khuseeya Ilaalinta Hiddaha Dhaqanka iyo Hiddaha Dabiiciga ah, waxaana natiijada codeynta ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka shir Guddoominayay.

“140 Xildhibaan ayaa haa ku ogolaatay, afar kalena waa ay ka aamuseen mana jirin cid diiday, sidaas ayuuna ansax ku yahay labada Hindise sharciyeed ee kala ah Heshiiska Illaalinta Hidda Dhaqameedka aan la taaban karin iyo sidoo kale Heshiis khuseeya Ilaalinta Hiddaha Dhaqanka iyo Hiddaha Dabiiciga ah,” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Intaasi ka dib Mudanayaasha Golaha ayaa sii amba qaaday ka doodista Akhrinta labaad ee Sharciga Doorashooyinka Qaranka, waxaana Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu  sheegay in maadaamaa sharciga Doorashooyinka Qaranka muhiim yahay goluhu uu maalin walba ka shaqeyn doono.

Qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha shacabka ayaa fikradahooda ka dhiibtay sharciga doorashooyinka Qaranka oo maalmahan ay mudanayaasha si adag uga doodayeen Xildhibaannada.

Guddoomiyaha Golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in dooda ku saabsan sharciga Doorashooyinka Qaranka lagu sii amba qaadi doono kulanka kan xiga.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Latest News

ATMIS, SNA soldiers conclude training on military intelligence

Thirty-two drown from Somali national army and Africa Union...

Somalia’s elect-president Hassan Sheikh pledges to work on economic reforms

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh Mohamud and officials from...

SNA arrests al-Shabaab IED expert in Lower Shabelle

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh Mohamud and officials from...

Somali salaries safe thanks to IMF deal

Issa Abdull BBC Africa business journalist The International Monetary Fund (IMF)...

Jubbaland leader vows to intensify operations against al-Shabaab

Jubbaland state leader, Ahmed Mohamed Madobe has vowed to...

ATMIS, SNA soldiers conclude training on military intelligence

Thirty-two drown from Somali national army and Africa Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) have completed a training course on Intelligence, Surveillance and Reconnaissance (ISR). The...

Somalia’s elect-president Hassan Sheikh pledges to work on economic reforms

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh Mohamud and officials from Development Bank (AFDB held talks on Saturday. In a statement, the president and the officials from...

SNA arrests al-Shabaab IED expert in Lower Shabelle

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh Mohamud and officials from Development Bank (AFDB held talks on Saturday. In a statement, the president and the officials from...