30.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 24, 2022

Madaxweynaha Jubbaland ”DF Somaliya waxay shaqadeeda ku soo arruurtay halkee dhisan oo aan duminaa”!

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Madoobe

Kismaayo (Halqaran.com) – Madaxweynaha Jubbaland, mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa isniintii maanta dib ugu soo laabtey magaalada Kismaayo ee xarunta Dowlad goboleedka Jubbaland, kadib safar shaqo oo uu dalka dibadiisa ugu maqnaa muddo 20 cisho ah.

Madaxweyne kuxigeenka 2aad ee Jubbaland, labada gole ee Dowlad goboleedka Jubbaland iyo qeybaha kala duwan ee ururada bulshada ayaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa si diiran ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Sayyid Maxamed Cabdille Xasan ee magaalada Kismaayo.

Soo dhaweyn kadib Madaxweynaha ayaa warbaahinta kula hadley qeybta nasashada ee garoonka halkaas oo uu si kooban uga warbixiyey safarkiisa shaqo iyo waxyaabihii u soo qabsoomey.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu inta uu ku sugnaa magaalada Nairobi uu kulamo kala duwan la qaatey Beesha caalamka, Saamileyda Siyaasadeed ee Soomaaliya iyo madaxda dalka aan dariska nahay ee Kenya dhamaantoodna kala hadley arrimo quseeya Amniga, Siyaasadda iyo sidii xalwaara looga gaari lahaa khilaafka DFS iyo Dowlad goboleedyada.

Axmed Madoobe ayaa si kooban uga hadley xaalada gobolka Gedo iyo tallaabooyinka lagu carqaladeynayo amniga iyo Dowladnimada dalka ee ay DFS ka wado halkaas, kuwaas oo uu sheegay inaysan natiijo ka gaari doonin haddii aysan wado wanaagsan u soo marin kana waantoobin baalmarka dastuurka dalka u yaala.

Sidookale, madaxweynaha ayaa sheegay in xaalada Soomaaliya hadda aysan u baahneyn anaa idhi iyo sidaan rabaa socon, ee xalka ay u baahantahay uu yahay wadatashi iyo in isfaham rasmi ah lagaga gaaro waxkasta oo la isku qabto.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sheegay, in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay shaqadeeda dhanba kusoo uruurisey halkee dhisan oo aan duminaa ee aysan danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed ka shaqeynin taasna xisaabi ka danbeyn doonto.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Latest News

Court in Somaliland sentences journalist Oldon to two years in jail

A court in Somalia’s breakaway northern territory of Somaliland...

President Hassan Sheikh officially assumes office +(PHOTOS)

Somalia’s newly President Hassan Sheikh Mohamud has today officially...

Saudi Arabia bans citizens from travelling to Somalia

Saudi Arabia has banned its citizens from travelling to...

ATMIS, SNA soldiers conclude training on military intelligence

Thirty-two drown from Somali national army and Africa Union...

Somalia’s elect-president Hassan Sheikh pledges to work on economic reforms

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh Mohamud and officials from...

UK foreign aid cut came at ‘worst moment in history’: Opposition MP

LONDON: The UK’s humanitarian aid budget was slashed by 51 percent last year, disproportionately affecting some of the world’s neediest countries, including Yemen and...

Court in Somaliland sentences journalist Oldon to two years in jail

A court in Somalia’s breakaway northern territory of Somaliland has sentenced a journalist to two years in prison months after he was acquitted by...

President Hassan Sheikh officially assumes office +(PHOTOS)

Somalia’s newly President Hassan Sheikh Mohamud has today officially assumed office following transfer of power ceremony at the Presidential Palace. Speaking at the handing over ceremony,...