30.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 24, 2022

Iska hor-imaad caawa ka dhacay magaalada Dhuusamareeb Xilli uu booqasho ku joogo Kheyre

Dhuusamareeb (Halqaran.com) –  Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya, in caawa Magaalada uu ka dhacay iska hor imaad u dhaxeeyay ciidamo.

Iska hor imaadkan ayaa wuxuu ka dhacay afaafka hore ee Xarunta Inji oo ay degan yihiin madaxda Ahlu Sunna, kadib markii rasaas ay isweydaarsadeen Ciidamada illaalada madaxda Ahlu Sunna iyo Ciidanka Nabad Suggida.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya, in iska hor imaad labaad uu dhexmaray Ciidamada NISA ee Galmudug iyo Ciidanka joogay xarunta Inji ee Ahlu Sunna.

Wararka qaar oo Saraakiisha Ahlu Sunna laga soo xigtay, ayaa tilmaamaya in Ciidamada dowladda ay soo weerareen xarunta Inji, balse Ciidanka Ahlu Sunna ay iska caabiyeen, inkastoo uusan jirin warar madax banaan oo arrintaasi xaqiijinaya.

Illaa hadda lama oga Khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca ee ka dhashay iska hor imaadkii caawa ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb

Iska hor imaadka caawa ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ayaa ku soo aadaya, xilli Ra‘iisul Wasaare XF Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre uu ku sugan yahay Magaaladaasi.

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco Halqaran.com

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Latest News

Court in Somaliland sentences journalist Oldon to two years in jail

A court in Somalia’s breakaway northern territory of Somaliland...

President Hassan Sheikh officially assumes office +(PHOTOS)

Somalia’s newly President Hassan Sheikh Mohamud has today officially...

Saudi Arabia bans citizens from travelling to Somalia

Saudi Arabia has banned its citizens from travelling to...

ATMIS, SNA soldiers conclude training on military intelligence

Thirty-two drown from Somali national army and Africa Union...

Somalia’s elect-president Hassan Sheikh pledges to work on economic reforms

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh Mohamud and officials from...

UK foreign aid cut came at ‘worst moment in history’: Opposition MP

LONDON: The UK’s humanitarian aid budget was slashed by 51 percent last year, disproportionately affecting some of the world’s neediest countries, including Yemen and...

Court in Somaliland sentences journalist Oldon to two years in jail

A court in Somalia’s breakaway northern territory of Somaliland has sentenced a journalist to two years in prison months after he was acquitted by...

President Hassan Sheikh officially assumes office +(PHOTOS)

Somalia’s newly President Hassan Sheikh Mohamud has today officially assumed office following transfer of power ceremony at the Presidential Palace. Speaking at the handing over ceremony,...