26.5 C
Mogadishu
Tuesday, May 24, 2022

DAAWO SAWIRRO: Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Hindise Sharciyadeedka difaaca Qaranka Soomaaliyeed

Muqdisho (Halqaran.com) – Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku meel mariyeen hindise-sharciyeedka difaaca qaranka Soomaaliyeed oo golaha usoo gudbisay wasaaradda difaaca dalka.

Shirka ayaa sidoo kale lagu ansixiyay xeerka cafiska dadka dowladda isku soo dhiiba, xeerka hey’adaha aan dowliga aheyn iyo siyaasadda shaqo abuurka qaranka oo ay soo diyaariyeen wasaaradaha qorsheynta iyo shaqada.

Golaha ayaa soo dhoweeyay heshiiska dowladda Federaalka iyo AHSWJ ka gaareen dhismaha Galmudug loo dhanyahay, waxaana Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo guddoominayay shirka uu bogaadiyay tanaasulka ay sameeyeen dhinacyada Galmudug.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa amray guddiga gurmadka Fatahaadaha in ay wax ka qabtaan xaaladda Afgooye iyo Gardafuu oo ay daadadku saameeyeen.

Shirka intii uu socday ayaa taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxa uu Golaha Wasiirrada warbixin faahfaahsan ka siiyay weerarkii hotelka SYL, waxaana Golaha wasiirradu ay dhankooda bogaadiyeen dadaalka laamaha amniga iyo tallaabooyinkii geesinimada lahaa ee ciidamdu ku badbaadiyeen dadka shacabka ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Latest News

Court in Somaliland sentences journalist Oldon to two years in jail

A court in Somalia’s breakaway northern territory of Somaliland...

President Hassan Sheikh officially assumes office +(PHOTOS)

Somalia’s newly President Hassan Sheikh Mohamud has today officially...

Saudi Arabia bans citizens from travelling to Somalia

Saudi Arabia has banned its citizens from travelling to...

ATMIS, SNA soldiers conclude training on military intelligence

Thirty-two drown from Somali national army and Africa Union...

Somalia’s elect-president Hassan Sheikh pledges to work on economic reforms

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh Mohamud and officials from...

UK foreign aid cut came at ‘worst moment in history’: Opposition MP

LONDON: The UK’s humanitarian aid budget was slashed by 51 percent last year, disproportionately affecting some of the world’s neediest countries, including Yemen and...

Court in Somaliland sentences journalist Oldon to two years in jail

A court in Somalia’s breakaway northern territory of Somaliland has sentenced a journalist to two years in prison months after he was acquitted by...

President Hassan Sheikh officially assumes office +(PHOTOS)

Somalia’s newly President Hassan Sheikh Mohamud has today officially assumed office following transfer of power ceremony at the Presidential Palace. Speaking at the handing over ceremony,...