27.9 C
Mogadishu
Thursday, May 26, 2022

XOG: PUNTLAND oo shaacisay in xal rasmi ah laga gaaray Xiisadii ka taageyd magaalada Boosaaso! (Maxaa cusub?)

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari

Boosaaso (Halqaran.com) – Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Puntland Maxamed Axmed Kulan, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in xal laga gaaray xiisaddii maalmihii la soo dhaafay ka taagneyd Magaalada Boosaaso.

Xiisadan ayaa waxay ka dhalatay maleeshiyaad qaab beeleed u abaabulan iyo ciidan ka tirsan Daraawiishta Puntland oo maalintii Arbacada gudaha u soo galay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Dhinacyadan ayaa waxaa la sheegay in ay ka gadoodeen Shirkadda PDG oo Dowladda Emirate-ka kala noqotay qandaraaskii adeeg siinta ee Ciidamada Badda Puntland (PMDF).

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaase beeniyay in ciidamadaasi ay ka horyimaadeen tallaabadii qandaraas bixinta loogala noqday Shirkadda PDG. Wasiiru Dowlaha ayaa intaa ku daray in wax kasta oo ciidamadasi ay ka cabanayeen la xaliyay.

Mar uu la hadlayay Wasiiru dowladaha Warbaahinta SBC ayaa wuxuu sheegay in ciidamadaasi ay dib ugu noqdeen fariisimahoodii ay ka soo duuleen oo ah Degmada Carmo ee Gobolka Bari, sida uu yiri.

Ciidamadan oo uu watay Sarkaal ka tirsan Saraakiisha Daraawiishta Puntland oo lagu magacaabo Ciise Maxamuud Yuusuf (Ciise Yulux) ayaa waxay Jimcihii Magaalada Boosaaso kula kulmeen Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Bari.

Kulankan oo ka dhacay Xarunta Shirkadda PDG ee Magaalada Boosaaso ayaa waxaa Ciise Yulux lagu qanciyay in ciidamada uu dib uga saaro magaalada, kuna celiyo fariisimaha ay ku leeyihiin Carmo.

Ugu dambeyn, odayaasha dhaqanka ayaa waxay ballanqaadeen in wixii tabasho ah oo ay qabaan ganacsatada PDG ay wada hadal ku xalin doonaan, islamarkaana ay arrintaasi kala hadlayan Madaxda Puntland iyo cid kasta oo ay quseyso.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Latest News

Taiwan, Somaliland ink energy cooperation deal

Somaliland authorities in northern Somalia have inked energy and...

The United States Donates an Additional 286,650 Doses of Pfizer COVID-19 Vaccine with Somalia

The U.S. Embassy in Mogadishu is pleased to announce...

Somali students and graduates turn to online education

Puntland law graduate Fartun Abdirahman Adan, 28, managed to...

One person likely dying from hunger every 48 seconds in drought-ravaged East Africa

One person is likely dying of hunger every 48...

UN calls for National reconciliation in Somalia

United Nations (UN) has called for national reconciliation to...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay ergayga Midowga Yurub u qaabilsan geeska Afrika

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha JF Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada dalka kulan kula qaatay wafdi ay hoggaamineyso Ergeyga Gaarka ah ee Midowga...

Taiwan, Somaliland ink energy cooperation deal

Somaliland authorities in northern Somalia have inked energy and mineral resources cooperation agreement with Taiwan this week. In a statement, Taiwan diplomatic office said the...

The United States Donates an Additional 286,650 Doses of Pfizer COVID-19 Vaccine with Somalia

The U.S. Embassy in Mogadishu is pleased to announce the delivery of an additional 286,650 doses of the Pfizer COVID-19 vaccine, which the United...