30.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 17, 2022

XOG: Hoggaamiyeyaasha Waqooyi bari Kenya oo diiday natiijada tirakoobkii Kenya

Gaarisa (Halqaran.com) – Siyaasiyiinta gobolka Soomaalidu ay degto ee waqooyi bare Kenya, ayaa diiday natiijada laga soo saaray tirakoobkii dhawaan laga sameeyay dalka Kenya kaas oo siiyey Soomaalida tiro aan sax aheyn.

Hoggaamiyeyaasha Mandheera, Gaarisa iyo wajer ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen Nayroobi waxa y ku sheeegeen in natiijada tira-koobka ee dhawaan la shaaciyay aysan ka turjumeyn xaqiiqada ka jirta deegaanadooda.

Waxay ay ku andacoodeen in natiijada ama tirada lagu sheegay saddexdaas gobol ay taahay mid lasoo karkariyay ama la soo dhoodhoobay.

Aadan Barre Ducaale oo ah hoggaamiyaha aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya oo ka hadlay shirka jaraa’id ayaa sheegay in natiijada laga soo saaray gobollaadas aysan sax aheyn.

“ Natiijada lagu dhawaaqay ee ku aaddan gobolladaas ee tira-koobkii la qabatay 24/25 August 2019 lana soo gabagabeeyay 31 kii August ma aheyn mid sax ah” ayuu yiri Aadan.

Waaan hubnaa in xogta loo isticmaalay tiro-koobkan ay tahay mid hore , mana ahan mid sax ah oo waafqsan sharciga tiro-koobka ee u yaalla Qaramada Midoobay.

Cali Qorane oo ah Maayarka Gaarisa iyo Maxamed Maxamuud oo ah Maayarka Wajeer ayaa ku wehlinayey siyaasiyiinta qabtay shirka jaraa’id .

Tira-koobkii 2009-kii ayaa muujinayey in saddexda gobol Mandheera , Garisa iyo Wajeer dadka ku nool tiradoodu aheyd 2.39 milyan, laakiin tira-koobkii Isniinta ayaa lagu sheegay in dadkaas ay yihiin 2.47 milyan tasoo muujineysa kaliya kororka 80,000.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Latest News

Somalia elects Hassan Sheikh Mohamud as new president

Somali legislators have elected former leader Hassan Sheikh Mohamud...

Lebanon, Somalia conduct elections amid political instability

By Daniel Uria / UPI Lebanon and Somalia, both facing...

Three candidates quit Somali president race ahead of Sunday vote

Three candidates who were vying for the presidential race...

Somalia suspend flights ahead of presidential poll

Authorities of Aden Adde International Airport have announced that...

Explainer: Somalia presidential election where the people don’t vote

By AGGREY MUTAMBO Somalia is holding its presidential elections this...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay taliyeyaasha ciidanka xoogga dalka +SAWIRRO

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha JF Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee maanta kulan la qaatay Taliye-yaasha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Booliska, General...

Somalia elects Hassan Sheikh Mohamud as new president

Somali legislators have elected former leader Hassan Sheikh Mohamud as the country’s next president, following a long-overdue election on Sunday in the troubled Horn...

Hoggaamiyeyaasha Dowlad goboleedyada dalka oo hambalyo u diray Madaxweyne Xasan Sheekh

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha Dowladda goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), ayaa hambalyo udiray madaxwaynaha cusub ee JFS mudane Xassan Sheekh Maxamuud oo noqonaya...