29.9 C
Mogadishu
Monday, May 23, 2022

XOG + AKHRISO: Toddobo qodob oo hor-taagan in doorasho qof iyo cod ka dhacdo Soomaaliya

Muqdisho (Halqaran.com) – Masuuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya ayaa wada qorshe ay doonayaan in dalka ay uga qabsoonto doorasho qof iyo cod ah, markii lagaaro dhamaadka sanadka 2020-ka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa marar badan sheegay in dalka ay ka qabsoomi doonto doorasho qof iyo cod ah, islamarkaana aysan jiri doonin muddo korarsi iyo in dib loogu laabto nidaamka soo xulista Baarlamaanka ama nidaamkii doorasho ee ugu dambeysay ee ahaa doorasho dadban.

In kastoo madaxda dowladda Soomaaliya ay doonayaan in dalka ay ka qabtaan doorasho qof iyo cod ah ayaa hadane waxaa muuqda ilaa 7 qodob oo diideysa in doorasho nuucaas xiligaan ay dalka ka dhacdo, islamarkaana loo baahan yahay in laga fikiro qorshe kale oo isbadal maamul lagu gaaro 13 bil kadib.

Qodobada diidaya in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah ayaa waxaa ka mid ah ilaa 7-daan qodob oo muhiim ah doorashooyinka nuucaas oo kale ah.

 1 – In la ansixiyo sharci doorashooyinka dalka oo ka soo gudbay Golaha Wasiirada, islamarkaana hadda horyaalla Golaha Shacabka kadib markii ay soo gudbiyeen guddi dib u eegis ku sameeyey sharcigaasi.

2 – In tiro koob lagu sameeyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed maadaama uu dalka ka soo kabanayo bur bur iyo dhibaatooyin, islamarkaana aysan jirin tiro koob sax ah oo la sameeyay, kaas oo la isku raacsan yahay.

3 – Diiwaan gelinta cod-bixiyaasha ayaa sidoo kale ah qodob kale oo muhiim ah oo aysan la’aantiis waxba socon karin.

4 – Sidoo kale dalka kama jirto kalsooni amni waxaana qatar weyn ku ah Al-Shabaab, xataa ma jirto kalsooni amni oo lagu qabo magaalooyinka ay dowladda maamusho iyo kuwa maamul gobaleedyada.

5 – In la sameeyo Maxkamadda dastuuriga ah ee kala saari laheyd Xisbiyada markii la isku qabsado ama muran ka yimaado natiijada doorashada

6 – Dhameestirka qabya qoraalka dastuurka oo muddo dheer soo jiitamayay, kaas oo aan ilaa hadda xal laga gaarin.

7 – Iyo in la dhameeyo wadahadala Soomaaliya iyo Somaliland oo aan marna fariisan tan iyo wixii ka dambeeyay Xukuumadda hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Falanqeeyaasha arimaha Soomaaliya iyo dadka yaqaana arrimaha doorashooyinka ayaa sheegay in ilaa laga helo 7-daas qodob in aysan dalka ka dhicin karin doorasho xor iyo xalaal ah oo ay dadweynaha Soomaaliyeed ku doortaan qofkii ay u baahnaayeen.

Ugu dambeyn, siyaasiga Cabdiraxaman Cabdishakuur Warsame ayaa todobaadkaan Yurub ka sheegay qaar kamid ah qodobadaan waxa uuna kamid yahay boqolaal kale oo aragtidaan aaminsan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Latest News

ATMIS, SNA soldiers conclude training on military intelligence

Thirty-two drown from Somali national army and Africa Union...

Somalia’s elect-president Hassan Sheikh pledges to work on economic reforms

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh Mohamud and officials from...

SNA arrests al-Shabaab IED expert in Lower Shabelle

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh Mohamud and officials from...

Somali salaries safe thanks to IMF deal

Issa Abdull BBC Africa business journalist The International Monetary Fund (IMF)...

Jubbaland leader vows to intensify operations against al-Shabaab

Jubbaland state leader, Ahmed Mohamed Madobe has vowed to...

ATMIS, SNA soldiers conclude training on military intelligence

Thirty-two drown from Somali national army and Africa Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) have completed a training course on Intelligence, Surveillance and Reconnaissance (ISR). The...

Somalia’s elect-president Hassan Sheikh pledges to work on economic reforms

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh Mohamud and officials from Development Bank (AFDB held talks on Saturday. In a statement, the president and the officials from...

SNA arrests al-Shabaab IED expert in Lower Shabelle

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh Mohamud and officials from Development Bank (AFDB held talks on Saturday. In a statement, the president and the officials from...