
Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa galabta Xaafadda Warshada Caanaha ee degmada Hodan lagu dilay Jeneraal ka tirsanaa Ciidamada Militariga Soomaaliya.
Jeneraalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Yuusuf Cali Qasaay (Yuusuf Cagey), warar is khilaafsan ayaana ka soo baxaya cidda dishay marxuumka.
Saraakiil ka tirsan ciidamada Militeriga ayaa sheegay in Jeneraalka uu dilay sarkaal kale oo ka tirsan ciidanka Militeriga Soomaaliya, inkastoo aan wali la sheegin magaca sarkaal wax dilay.
Marxuumka ayaa waxaa la sheegay in lagu dhex dilay gurigiisa oo uu xilligaas ku sugnaa, waxaana goobta gaaray ciidamo iyo saraakiil boolis ah kuwas oo haatan wada baaritaan ku aada qaabka uu dilku u dhacay.
Jeneraal Cagey Allaha u naxariistee ayaa muddo wuxuu ka soo shaqeynayey gobolka Shabellada Hoose, oo uu ka tirsanaa saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee ka howlgala gobolkaas.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com