30.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 24, 2022

UPDATE: Ciidamada Militariga Itoobiya oo ku sii qul-qulaya magaalada Dhuusamareeb (Maxaa cusub?)

Ciidamada Militariga ee Itoobiya

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Ciidamada Militariga Itoobiya oo aan qayb ka ahayn Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ay gaareen magaaladaasi.

Ciidamadan oo ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan, watana gaadiidka xamuulka ciidamada ee Uraalaha loo yaqaano ayaa waxay gaareen Garoonka Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb, iyagoo ku biiraya Ciidamadii Jabuuti ee halkaasi ku sugnaa.

Militariga Itoobiya ayaa Khamiistii soo dhex maray Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, ka dib markii ay ka soo tallaabeen xuduuda labada dal.

Xog ay helayso Halqaran.com ayaa sheegaya, in ciidan kale oo Itoobiyaan ah ay ku wajahan yihiin magaalada Dhuusamareeb, si ay amniga magaalada u xoojiyaan.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) uu ku wajahan yahay Magaalada Dhuusamareeb, xilli aan la aqoon ujeedada uu u tegaayo.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxay dareen ka muujinaysaa inay Ahlu Sunna caqabad ku noqoto amniga Magaalada Dhuusamareeb iyo Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxtooyada ee Galmudug.

Madaxda Ahlu Sunna ayaa waxay dhawaan iska diideen in ay ka qayb qaataan dhismaha Galmudug-ta cusub, sababo ku aadan, iyagoo ku andacoonaya Dowladda Soomaaliya oo aan meelmarin heshiiskii ay bartamihii sanadkan wada gaareen.

Qodobada ay labada dhinac ku heshiiyeen ayaa waxaa ku jira qodob qeexaya in Ahlu Sunna 35 xubnood laga siin doono Baarlamaanka cusub ee Galmudug, tiiyoo ay dib uga laabatay Dowladda Federaalka Somaliya.

Ahlu Sunada Galmudug ayaan weli qaadin tallaabooyin liddi ku ah dhismaha Galmudug-ta cusub, waxaana meesha laga saari karin suurta-galnimada inay caqabad ku noqon karto dhismaha maamulkaasi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Latest News

Court in Somaliland sentences journalist Oldon to two years in jail

A court in Somalia’s breakaway northern territory of Somaliland...

President Hassan Sheikh officially assumes office +(PHOTOS)

Somalia’s newly President Hassan Sheikh Mohamud has today officially...

Saudi Arabia bans citizens from travelling to Somalia

Saudi Arabia has banned its citizens from travelling to...

ATMIS, SNA soldiers conclude training on military intelligence

Thirty-two drown from Somali national army and Africa Union...

Somalia’s elect-president Hassan Sheikh pledges to work on economic reforms

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh Mohamud and officials from...

UK foreign aid cut came at ‘worst moment in history’: Opposition MP

LONDON: The UK’s humanitarian aid budget was slashed by 51 percent last year, disproportionately affecting some of the world’s neediest countries, including Yemen and...

Court in Somaliland sentences journalist Oldon to two years in jail

A court in Somalia’s breakaway northern territory of Somaliland has sentenced a journalist to two years in prison months after he was acquitted by...

President Hassan Sheikh officially assumes office +(PHOTOS)

Somalia’s newly President Hassan Sheikh Mohamud has today officially assumed office following transfer of power ceremony at the Presidential Palace. Speaking at the handing over ceremony,...