29.9 C
Mogadishu
Monday, May 23, 2022

Shirka wada-tashiga hay’adda Jidadka Soomaaliyeed oo ka furmay Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Shirkaan oo socon doono Muddo seddex maalin ah ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa dhammeystirka Wada-tashiga Hay’adda Jidadka Soomaaliyeed, Xoojinta Wada-shaqeynta Wasaaraddaha Howlaha guud ee heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir, waxaana ka qeyb galay Wasiirka Howlaha guud ee XFS Mudane Cabdi Aadan Hoosow iyo Masuuliyiin kale.

Qaab dhismeedka Hay’adda Jidadka Soomaaliyeed oo ka kooban Sagaal Xubnood ayaa Agaasimaha guud ee wasaaaradda Howlaha guud Mudane Axmed Maxamed Imaan waxa uu ka  warbixiyay heerarka uu soo maray shirkaan iyo ahmiyadiisa.

“Sharciga Hay’adda Jidadka Soomaaliyeed waxa uu horyaallaa Golaha Shacabka, waxaa ka shaqeyneynaa siddii loo soo gabo-gabeyn lahaa shaqadiisa, Waana Sharci muhiim u ah dalka” ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Howlaha Guud eeXFS.

Wasiir Ku-xiggeenka Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Xasan Cismaan ayaa sheegay in si dhow ay uga wada shaqeynayaan siddii loo dhameystiri lahaa dhismaha Hay’adda Jidadka Soomaaliyeed.

“Annaga iyo Wasaaradda Howlaha Guud ee Dowlad Goboleedyada si fiican ayaan u wada shaqeynaa, haseyeeshee sharcigaan marka uu noqdo mid rasmi ah waxaa uu ka mid noqon doonaa kaabayaasha Dhaqaalaha dalka iyo inay dhismaan wax lagu kalsoon yahay” ayuu yiri Wasiir Ku-xiggeenka Wasaaradda Howlaha Guud XFS.

Hay’adda Qaran ee jidadka Soomaaliyeed ayaa qeyb ka ah Hay’addihii ku bur-buray dagaaladii dalka ka dhacay, waxaana haatan mar kale uu hor-yaalaa Golaha Shacabka Barlamaanka oo ay ka dhiman tahay Akhrinta Seddexaad iyo meel marintiisa, iyaddoo Wasaaradda Howlaha guud iyo dib u dhiska XFS ay wado la- tashi lala sameynayo Hay’addaha Dawladda ee heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Latest News

ATMIS, SNA soldiers conclude training on military intelligence

Thirty-two drown from Somali national army and Africa Union...

Somalia’s elect-president Hassan Sheikh pledges to work on economic reforms

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh Mohamud and officials from...

SNA arrests al-Shabaab IED expert in Lower Shabelle

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh Mohamud and officials from...

Somali salaries safe thanks to IMF deal

Issa Abdull BBC Africa business journalist The International Monetary Fund (IMF)...

Jubbaland leader vows to intensify operations against al-Shabaab

Jubbaland state leader, Ahmed Mohamed Madobe has vowed to...

ATMIS, SNA soldiers conclude training on military intelligence

Thirty-two drown from Somali national army and Africa Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) have completed a training course on Intelligence, Surveillance and Reconnaissance (ISR). The...

Somalia’s elect-president Hassan Sheikh pledges to work on economic reforms

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh Mohamud and officials from Development Bank (AFDB held talks on Saturday. In a statement, the president and the officials from...

SNA arrests al-Shabaab IED expert in Lower Shabelle

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh Mohamud and officials from Development Bank (AFDB held talks on Saturday. In a statement, the president and the officials from...