26.7 C
Mogadishu
Friday, May 20, 2022

SAWIRRO: Sareeye guuto Kaniif oo maanta kormeeray Saldhiga booliska ee gobolka Mudug

Gaalkacyo (Halqaran.com) – Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/guuto Cismaan Maxamed Cabdullaahi (Kaniif) oo hawlo shaqo u jooggo Magaalada Gaalkacyo ayaa maanta kormeeray Saldhiga Boliiska gobolka Mudug waxa uuna kula kulmay Ciidanka Boliiska ee ku sugan gobolkaas, si uu ugu kuur galo xaaladaha ay ku shaqeeyaan.

Taliyaha ayaa waxa uu kormeer ku sameeyay xarumaha Booliska ee Gobolka Mudug, isagoo ciidamada ku ammaanay sida ay har iyo habeen ugu taaganyihiin sugida amniga Shacabka Soomaaliyeed.

Saraakiisha uu la kulmay ayaa warbixin ka siiyay Taliyaha shaqada Boolisku ay u hayaan bulshada,iyagoo tilmaamay in ay jiraan maxaabiis badan oo ku jirto saldhiga kuwaas oo ku eedeysan dambiyo kala duwan dhawaana maxkamad lasoo taagi doono.

Taliye Kuxigeenka Booliska Soomaaliyeed ayaa maalmihii ugu dambeeyay kormeerayay Saldhigyada Ciidamada Boliisku ay ku leyihiin deegaannada dowlad goboleedka Galmudug, isagoo u kuur gelayay xiriirka wada shaqeeyneed ee ka dhaxeeya ciidamada iyo bulshad kaas oo muhiim u ah nabad gelyada dalka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Latest News

President-elect Hassan Sheikh to focus on security and political stability

Somalia’s newly elected president Hassan Sheikh Mohamud has confirmed...

West Africa anti-terror force laments Mali withdrawal

Mali’s decision to withdraw from a West African anti-jihadist...

US, Kenya discuss war on al-Shabaab

President Uhuru Kenyatta this week held talks with U.S....

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh holds talks with World Bank officials

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh Mohamud has held...

Kenya arrests six Al-Shabaab suspects in Mandera

At least six people suspected to have links with...

Imaaraadka Carabta oo Soomaaliya ugu deeqay lacag dhan $9.52malyan oo Dollar.

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha Imaaraatka Carabta ee cusub Maxamed Bin Zayid ayaa amray in ay Xukuumadiisu siiso Soomaaliya lacag dhan 35malyan oo Dirham, una...

Maamulka G/Gedo oo ka hor yimid ‘hadalkii Jubbaland’ in ciidamada laga saaro gobolkaasi

Gedo (Halqaran.com) - Maamulka Gobolka Gedo ayaa si adag uga horyimid in Ciidamada Dowladda laga saaro gobolkaasi, xilli Dowlad Goboleedka Jubbaland ay u ololeynayso,...

President-elect Hassan Sheikh to focus on security and political stability

Somalia’s newly elected president Hassan Sheikh Mohamud has confirmed that his government will focus on security and political stability. In an interview, Mohamud said his...