26.5 C
Mogadishu
Tuesday, May 24, 2022

Nin soo xirtay dharka Dumarka oo lagu qabtay magaalad Guriceel

Guriceel (Halqaran.com) – Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa waxay Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ku qabteen nin la sheegay in uu xirnaa dharka dumarka.

Ciidamada Dowladda ayaa xalay ninkaasi ka qabtay gudaha Magaalada Guriceel, ka dib markii laga shakiyay qaab socodkiisa.

Ciidamada Dowladda oo ninkaasi ku xiray Saldhiga Booliska Guriceel ayaa waxay wadaan baaritaan ku aadan waxa ku khasbay in uu dharkaasi soo xirto.

Maxamed Cabdi Yuusuf oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee ku sugan Magaalada Guriceel ayaa sheegay in ninkan ay u maleynayan inuu ka mid yahay dadka deegaanka.

Maxamed Cabdi oo la hadlay Dhacdo.com ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay sababta uu ninkaasi u soo xirtay dharka haweenka, hase yeeshee ay wax kasta kala caddaan doonaan, kolka la soo geba-gabeeyo baaritaanada socda.

Maxamed Cabdi ayaa waxaa uu xusay inaanan ninkaasi lagu qaban wax hub ah, marka laga soo taggo inuu ku labisnaa dareyska xaawaleyda.

Tallaabada lagu qabtay ninkaasi ayaa waxay ku soo aadaysaa, xilli Taliska Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka uu Jimcihii Gobolka Galgaduud kaga dhawaaqay guluf ballaaran oo ka dhan ah Ururka Al Shabaab.

Waa markii ugu horeysay oo Magaalada Guriceel lagu qabto nin soo xirtay dareyska u goonida ah haweenka, inta ay taariikhda xuseyso.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Latest News

Court in Somaliland sentences journalist Oldon to two years in jail

A court in Somalia’s breakaway northern territory of Somaliland...

President Hassan Sheikh officially assumes office +(PHOTOS)

Somalia’s newly President Hassan Sheikh Mohamud has today officially...

Saudi Arabia bans citizens from travelling to Somalia

Saudi Arabia has banned its citizens from travelling to...

ATMIS, SNA soldiers conclude training on military intelligence

Thirty-two drown from Somali national army and Africa Union...

Somalia’s elect-president Hassan Sheikh pledges to work on economic reforms

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh Mohamud and officials from...

UK foreign aid cut came at ‘worst moment in history’: Opposition MP

LONDON: The UK’s humanitarian aid budget was slashed by 51 percent last year, disproportionately affecting some of the world’s neediest countries, including Yemen and...

Court in Somaliland sentences journalist Oldon to two years in jail

A court in Somalia’s breakaway northern territory of Somaliland has sentenced a journalist to two years in prison months after he was acquitted by...

President Hassan Sheikh officially assumes office +(PHOTOS)

Somalia’s newly President Hassan Sheikh Mohamud has today officially assumed office following transfer of power ceremony at the Presidential Palace. Speaking at the handing over ceremony,...