30.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 17, 2022

Laba nin oo dhallinyaro ah oo Caawa lagu dilay Muqdisho (Ogow Sababta)!

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa caawa magaalada Muqdisho ka dhacay dilal siyaabo kala duwan loogu geystay labada dhallinyaro ah.

Ciidamada Booliska ee Degmada Hodan ayaa waxay caawa xaafadda Say Biyaano ku dileen nin ka tirsanaa maleeshiyada Ururka Al Shabaab, ka dib markii uu rasaas ku dhaawacay askari boolis ah.

Ciidamada Booliska oo goobtaasi ka ag-dhawaa ayaa ku soo baxay rasaastii lagu dhaawacay askariga. Ciidamada iyo ninkaasi oo is rasaasayn dhex martay ayay ugu dambeen kaga takhaluseen.

Ka hor inta aan la dilin ninkaasi ayuu damcay in uu ku baxsado gaari caasi ahaa oo wadada dhinaceeda yaalay, balse ay ka hor istaageen ciidamada in uu baxsado.

Maalintii Khamiista ayay ahayd markii Ciidamada Booliska ay Degmada Yaaqshiid ku toogteen nin ka tirsanaa maleeshiyada Al Shabaab, ka dib markii uu ninkaasi dilay askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska.

Dhanka kale, nin kaloo dhalinyaro ahaa ayaa waxaa caawa lagu dilay xaafadda Jamhuuriyadda ee Degmada Kaaraan, iyadoo ay dilkaasi gaysteen burcad la sheegay inay dooneysay dhac ay u gaystaan ninkaasi dhalinyarada ah.

Burcadda ayaa wiilkaasi ka qaatay teleefan nooca gacanta oo uu watay, balse ay markii dambe u dileen, isagoo u sheegay in uu wejiyadooda aqoonsaday. Marxuumka ayaa lagu magacaabi jiray Sharmaarke Maxamed Cabdullaahi.

Si kastaba, burcadda oo xilliyada habeenkii dhaca ka gaysata Magaalada Muqdisho ayaa qayb ka ah dhibaatada muuqato, ee lagu hayo bulshada reer Muqdisho.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Latest News

Somalia elects Hassan Sheikh Mohamud as new president

Somali legislators have elected former leader Hassan Sheikh Mohamud...

Lebanon, Somalia conduct elections amid political instability

By Daniel Uria / UPI Lebanon and Somalia, both facing...

Three candidates quit Somali president race ahead of Sunday vote

Three candidates who were vying for the presidential race...

Somalia suspend flights ahead of presidential poll

Authorities of Aden Adde International Airport have announced that...

Explainer: Somalia presidential election where the people don’t vote

By AGGREY MUTAMBO Somalia is holding its presidential elections this...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay taliyeyaasha ciidanka xoogga dalka +SAWIRRO

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha JF Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee maanta kulan la qaatay Taliye-yaasha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Booliska, General...

Somalia elects Hassan Sheikh Mohamud as new president

Somali legislators have elected former leader Hassan Sheikh Mohamud as the country’s next president, following a long-overdue election on Sunday in the troubled Horn...

Hoggaamiyeyaasha Dowlad goboleedyada dalka oo hambalyo u diray Madaxweyne Xasan Sheekh

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha Dowladda goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), ayaa hambalyo udiray madaxwaynaha cusub ee JFS mudane Xassan Sheekh Maxamuud oo noqonaya...