26.5 C
Mogadishu
Tuesday, May 24, 2022

Guddoomiyihii dagaalka looga saaray Degmada Diinsoor oo isku soo dhiibay Koonfur Galbeed

Diinsoor (Halqaran.com) – Gudoomiyihii hore ee Degmada Diinsow, Ibraahim Maxamed Nuur (Shigshigow) ayaa waxaa uu isku soo dhiibay Maamulka Koonfur Galbeed, ka dib markii Isniintii dagaal looga saaray degmadaasi.

Gudoomiyihii hore ee Degmada Diinsoor ayaa dhawaan ka horyimid xil ka qaadis uu ku sameeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha & Dowladaha Hoose ee Koonfur Galbeed, Maxamed Abuukar Cabdi.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed ayaa 11-kii bishan wareegto uu soo saaray xilka uga qaaday Gudoomiyihii hore ee Degmada Diinsoor, isagoona Cabdisalaan Xaaji Siidow u soo magacaabay inuu noqdo Gudoomiyaha cusub ee Degmada Diinsoor.

Diidmadiisa oo maalmihii la soo dhaafayba ka taagneyd Degmada Diinsoor ayaa keentay inay shalay weerar ku qaadaan Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed oo garab ka helaya Ciidanka Amisom, iyadoona magaalada dhinac looga saaray.

Gudoomiye Shigshigow ayaa saqdii dhexe ee xalay isu soo dhiibay Wasiiro Maamulka Koonfur Galbeed ka tirsan oo ku sugan Degmada Diinsoor, ka dib markii labada dhinac waan-waan laga dhex bilaabay.

Wasiirada Koonfur Galbeed ayaa waxay Shigshigow la yeesheen kulan albaabada u xiran, kaasoo aanay jirin cid weli faah faahin ka bixisay waxa ka soo baxay, balse ilo wareedyo ayaa sheegay in Shigshigow uu aqbalay in uu u hoggaansamo awaamiirta Madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Wararka ka imaanaya Degmada Diinsoor ayaa sheegaya dagaalkii shalay ka dhacay degmadaasi in ay ku dhinteen dad ku dhow toban qof, kuwaa oo isugu jira dhinacyadii dagaalamay iyo dad rayid ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Latest News

Court in Somaliland sentences journalist Oldon to two years in jail

A court in Somalia’s breakaway northern territory of Somaliland...

President Hassan Sheikh officially assumes office +(PHOTOS)

Somalia’s newly President Hassan Sheikh Mohamud has today officially...

Saudi Arabia bans citizens from travelling to Somalia

Saudi Arabia has banned its citizens from travelling to...

ATMIS, SNA soldiers conclude training on military intelligence

Thirty-two drown from Somali national army and Africa Union...

Somalia’s elect-president Hassan Sheikh pledges to work on economic reforms

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh Mohamud and officials from...

UK foreign aid cut came at ‘worst moment in history’: Opposition MP

LONDON: The UK’s humanitarian aid budget was slashed by 51 percent last year, disproportionately affecting some of the world’s neediest countries, including Yemen and...

Court in Somaliland sentences journalist Oldon to two years in jail

A court in Somalia’s breakaway northern territory of Somaliland has sentenced a journalist to two years in prison months after he was acquitted by...

President Hassan Sheikh officially assumes office +(PHOTOS)

Somalia’s newly President Hassan Sheikh Mohamud has today officially assumed office following transfer of power ceremony at the Presidential Palace. Speaking at the handing over ceremony,...