26.7 C
Mogadishu
Friday, May 20, 2022

Faah-faahin ku saabsan khasaaraha dagaalkii ka dhacay Calamada & Wararkii ugu dambeeyay caawa

Calamada (Halqaran.coom) – Waxaa faah-faahin dheeraad ah ka soo baxaya Khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca ee ka dhashay dagaal Ciidamada Al-Shabaab ay ku qaadeen Ciidamo ku sugan deegaanka Calamada iyo Lafoole ee wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Ciidamada Al-Shabaab dagaal saf ballaaran ay ku qaadeen ciidamada fariisinka ku leh Calamada & Lafoole, xilli halkaasi uu ka socdo dhismaha wadada laamiga ah.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska dowladda Federalka Somaliya ayaa warbaahinta Halqaran.com u sheegay dagaalkaasi in lagu dilay Saddex Askari oo ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Booliska oo Saldhigooda uu yahay deegaanka Lafoole.

Saraakiisha waxa ay sheegeen markii xabada ay ka bilaabatay deegaanka Calamada iyagana inay ku bilaabatay xabad, islamarkaana si adag isaga difaaceen Shabaabkii weerarka soo qaaday, ayna ka dileen laba ruux.

Dagaalka ka dhacay deegaanka Calamada lama oga khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca ee ka dhashay, balse Shabaabkii weerarka soo qaaday ayaa u baxsaday dhanka goofafka.

Ciidamo ka baxay deegaanka Ceelasha biyaha ayaa mar dambe oo dagaalkii uu istaagay waxa ay gurmad ahaan u tageen deegaanka Calamada, xilli Shabaabkii weerarka soo qaaday ay goobtaasi ka tageen.

Dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa mareysa inta u dhaxeysa deeganada Calamada iyo Lafoole, halkaasi oo ay joogaan Ciidamada Haramcad loo yaqaan ee Booliska ka tirsan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Latest News

President-elect Hassan Sheikh to focus on security and political stability

Somalia’s newly elected president Hassan Sheikh Mohamud has confirmed...

West Africa anti-terror force laments Mali withdrawal

Mali’s decision to withdraw from a West African anti-jihadist...

US, Kenya discuss war on al-Shabaab

President Uhuru Kenyatta this week held talks with U.S....

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh holds talks with World Bank officials

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh Mohamud has held...

Kenya arrests six Al-Shabaab suspects in Mandera

At least six people suspected to have links with...

Imaaraadka Carabta oo Soomaaliya ugu deeqay lacag dhan $9.52malyan oo Dollar.

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha Imaaraatka Carabta ee cusub Maxamed Bin Zayid ayaa amray in ay Xukuumadiisu siiso Soomaaliya lacag dhan 35malyan oo Dirham, una...

Maamulka G/Gedo oo ka hor yimid ‘hadalkii Jubbaland’ in ciidamada laga saaro gobolkaasi

Gedo (Halqaran.com) - Maamulka Gobolka Gedo ayaa si adag uga horyimid in Ciidamada Dowladda laga saaro gobolkaasi, xilli Dowlad Goboleedka Jubbaland ay u ololeynayso,...

President-elect Hassan Sheikh to focus on security and political stability

Somalia’s newly elected president Hassan Sheikh Mohamud has confirmed that his government will focus on security and political stability. In an interview, Mohamud said his...