26.5 C
Mogadishu
Tuesday, May 24, 2022

Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay degmada Diinsoor & Wararkii ugu dambeeyay

Diinsoor (Halqaran.com) – Dagaal maanta ka dhacay Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa waxaa la soo sheegaya in khasaaro dhimasho iyo dhaawacba uu ka dhashay.

Dagaalkan ayaa waxa uu u dhaxeeyay Ciidamada Booliska Koonfur Galbeed oo kaashanaya Ciidamada Amisom iyo ciidan u daacad ah Guddoomiyihii hore ee Degmada Diinsow, Ibraahim Maxamed Nuur (Shigshigow).

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii gudoomiyihii hore ee Degmada Diinsoor uu ka horyimid xil ka qaadis uu ku sameeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dowladaha Hoose ee Koonfur Galbeed, Maxamed Abuukar Cabdi.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed ayaa 11-kii bishan wareegto uu soo saaray xilka uga qaaday gudoomiyihii hore ee Degmada Diinsoor, isagoona Cabdisalaan Xaaji Siidow u soo magacaabay inuu noqdo guddoomiyaha cusub ee Degmada Diinsoor.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkii maanta ka dhacay Degmada Diinsoor looga saaray degmadaasi Gudoomiyihii hore ee degmada, kaasoo iminka ku sugan duleedka degmadaasi.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dagaalkan ay ku dhinteen shan askari, halka shan kalena ay ku dhaawacantay. Iska horimaadkan ayaynaan waxyeelo ka soo gaarin dadka deegaanka, sababo ku aadan dagaalka oo xoogiisu ka dhacay duleedka degmada.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in ay isa soo dhiibeen qaar ka mid ah ciidankii la socday guddoomiyihii hore ee Degmada Diinsoor, Ibraahim Maxamed Nuur (Shigshigow).

Waxaa hadda Degmada Diinsoor ku sugan Masuuliyiin Maamulka Koonfur Galbeed ka tirsan, kuwaa oo Wasiiro ay ku jiraan.

Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Baay, Cabdiqaadir Hilowle Cabdi (Dooyow) ayaa waxaa uu sheegay in xaaladda Degmada Diinsoor ay iminka degan tahay,

Mr. Dooyow oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee VOA-da ayaa shacabka reer Diinsoor ugu baaqay in ay is dejiyan, iyadoo dhanka kalena uu ugu baaqay in ay maamulka la shaqeeyan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Latest News

Court in Somaliland sentences journalist Oldon to two years in jail

A court in Somalia’s breakaway northern territory of Somaliland...

President Hassan Sheikh officially assumes office +(PHOTOS)

Somalia’s newly President Hassan Sheikh Mohamud has today officially...

Saudi Arabia bans citizens from travelling to Somalia

Saudi Arabia has banned its citizens from travelling to...

ATMIS, SNA soldiers conclude training on military intelligence

Thirty-two drown from Somali national army and Africa Union...

Somalia’s elect-president Hassan Sheikh pledges to work on economic reforms

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh Mohamud and officials from...

UK foreign aid cut came at ‘worst moment in history’: Opposition MP

LONDON: The UK’s humanitarian aid budget was slashed by 51 percent last year, disproportionately affecting some of the world’s neediest countries, including Yemen and...

Court in Somaliland sentences journalist Oldon to two years in jail

A court in Somalia’s breakaway northern territory of Somaliland has sentenced a journalist to two years in prison months after he was acquitted by...

President Hassan Sheikh officially assumes office +(PHOTOS)

Somalia’s newly President Hassan Sheikh Mohamud has today officially assumed office following transfer of power ceremony at the Presidential Palace. Speaking at the handing over ceremony,...