Paris (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa booqday dhismaha safaarada Soomaaliyeed ee ku leedahay dalka Farasniiska.
RW Khayre oo safaaradda kula kulmay ku simaha safiirka iyo diplamaasiyiinta ee la shaqeeya ayaa ka dhageystay warbixnta guud iyo baahiyaha ay qabaan.
Xasan Cali Kheyre ayaa waxa uu ballan qaaday in dowladda Soomaaliya ay dayactir ku sameyneyso xurunta safaaradda iyo hoyga safiirka.
Dowladda oo dhawaan dhisme safaaradeed ka iibsatay dalka Mareykanka, ayaa wadda dadaallo lagu horumariyo dhismooyinka safaaradaha dalalka caalamka.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com