27.9 C
Mogadishu
Thursday, May 26, 2022

Cabsi xooggan oo la soo deristay shacabka reer Cadaado iyo Wararkii ugu dambeeyay Xaalada…

Cadaado (Halqaran.com) –  Bulshada ku dhaqan Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa la soo deristay cabsi, ka dib markii maleeshiyada Ururka Al-Shabaab ay la wareegeen deegaan hoos-tagga magaaladaasi.

Maleeshiyada Ururka Al-Shabaab ayaa Sabtidii bilaa dagaal kula wareegay Deegaanka Qaayib, iyadoo dhinaca kalena ay ka furayn maxkamad ay sheegeen inay u garsoori doonto dadka cadaaladda u baahan.

Deegaanka Qaayib oo laga xukumo Magaalada Cadaado ayaa ah deegaan ay ku badan yihiin dadka xoolo dhaqatada ah, iyadoo dadka reer Cadaadana ay xilliyada qaarkood u socdaalaan deegaankaasi.

Cabsida dadka ku dhalatay ayaa timid, ka dib markii ay siyaabooyin kala duwan u fasirteen hadalkii Shabaabka, ee ahaa inaanay u cadaalad doonan Maxkamadaha Galmudug, oo halkaasi ay u soo cadaalad raadsadaan.

Sidoo kale, bulshada deegaanka ayaa waxay ka baqdin qabaan in Ciidanka Xoogga Dalka oo Jimcihii Gobolka Galgaduud kaga dhawaaqay hawlgal ballaaran oo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab ay soo weeraran Shabaabka halkaasi qabsaday, waxyeelana ay ka soo gaarto xubnaha qoysaskooda iyo eheladooduba.

Wararka ayaa sheegaya in qorshaha ay Al-Shabaab kula wareegtay Deegaanka Qaayib ay baqdin ku keentay shacabka reer Cadaado iyo kuwa kale ee ku dhaqan deegaanada ku xeeran magaaladaasi.

Masuuliyiinta Maamulka Galmudug iyo Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee Qaybta 21aad ayaan ka hadlin xaaladda ku soo korortay Cadaado iyo deegaanada kale ee hoos-tagga.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqaraqnnews@gmail.com

Latest News

Taiwan, Somaliland ink energy cooperation deal

Somaliland authorities in northern Somalia have inked energy and...

The United States Donates an Additional 286,650 Doses of Pfizer COVID-19 Vaccine with Somalia

The U.S. Embassy in Mogadishu is pleased to announce...

Somali students and graduates turn to online education

Puntland law graduate Fartun Abdirahman Adan, 28, managed to...

One person likely dying from hunger every 48 seconds in drought-ravaged East Africa

One person is likely dying of hunger every 48...

UN calls for National reconciliation in Somalia

United Nations (UN) has called for national reconciliation to...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay ergayga Midowga Yurub u qaabilsan geeska Afrika

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha JF Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada dalka kulan kula qaatay wafdi ay hoggaamineyso Ergeyga Gaarka ah ee Midowga...

Taiwan, Somaliland ink energy cooperation deal

Somaliland authorities in northern Somalia have inked energy and mineral resources cooperation agreement with Taiwan this week. In a statement, Taiwan diplomatic office said the...

The United States Donates an Additional 286,650 Doses of Pfizer COVID-19 Vaccine with Somalia

The U.S. Embassy in Mogadishu is pleased to announce the delivery of an additional 286,650 doses of the Pfizer COVID-19 vaccine, which the United...