30.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 17, 2022

WAR CUSUB: Nin Al-Shabaab ah oo la qabtay, kadib markii laga carooday dil uu ka geystay …

Ceelwaaq (Halqaran.com) – Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxay gacanta ku dhigeen xubno si dhow loola xiriirinayo in ay ka tirsan yihiin maleeshiyada Ururka Al Shabaab, kuwaa oo iminka su’aalo la weydiinayo.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xubnahan oo shan nin gaaraya ku qabtay Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, ka dib hawlgal ay ka sameeyeen qaybo ka mid ah degmadaasi.

Raggan gacanta lagu soo dhigay ayaa waxaa la aaminsan yahay in uu ku jiro ninkii soo abaabulay dil Sarkaal Ciidanka Xoogga Dalka ka tirsanaa, oo Talaadadii loogu gaystay agagaarka Suuqa Xoolaha ee Degmada Ceelwaaq.

Laba ka mid ah bastooladleyda Shabaabka ayaa 1-dii bishan waxay Degmada Ceelwaaq ku dileen Allaha u naxariistee Kabtan Saalax Canshuur Cali Barre (Salaaxudiin), oo ka tirsanaa Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka.

Mid ka mid ah labadaasi nin ayaa dilka ka dib lagu dilay degmadaasi, iyadoona meydkiisa la soo dhigay Bartamaha Ceelwaaq, xilli muddo saacado ah uu yaalay. Kii kale ayaana ka baxsaday gacanta sharciga.

Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo, Korneyl Aadan Axmed Xersi (Aadan Rufle) oo la hadlay mareegta Halqaran.com ayaa xaqiijiyay in raggaasi la soo qabtay maalintii Jimcaha.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxay sheegeen in ragga gacanta lagu hayo su’aalo la weydiinayo, waxay kaloo sheegeen in su’aalo weydiinta ka dib ay cadaaladda horkeeni doonaan.

Dilka Kabtan Salaaxudiin ayaa ka careysiiyay dadka deegaanka iyo Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka, waxayna bilaabeen hawlgalo ay isaga kaashanayan soo qab qabashada Shabaabka ku dhex dhuumaaleysanaya degmadaasi.

Si kastaba, Kabtanka ayaa ka mid ahaa Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee ilaaliya xuduuda, iyadoo lagu xusuusto sida weyn uu kaga soo horjeeday in Kenya ku soo durugto dhulka Somaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Latest News

Somalia elects Hassan Sheikh Mohamud as new president

Somali legislators have elected former leader Hassan Sheikh Mohamud...

Lebanon, Somalia conduct elections amid political instability

By Daniel Uria / UPI Lebanon and Somalia, both facing...

Three candidates quit Somali president race ahead of Sunday vote

Three candidates who were vying for the presidential race...

Somalia suspend flights ahead of presidential poll

Authorities of Aden Adde International Airport have announced that...

Explainer: Somalia presidential election where the people don’t vote

By AGGREY MUTAMBO Somalia is holding its presidential elections this...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay taliyeyaasha ciidanka xoogga dalka +SAWIRRO

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha JF Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee maanta kulan la qaatay Taliye-yaasha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Booliska, General...

Somalia elects Hassan Sheikh Mohamud as new president

Somali legislators have elected former leader Hassan Sheikh Mohamud as the country’s next president, following a long-overdue election on Sunday in the troubled Horn...

Hoggaamiyeyaasha Dowlad goboleedyada dalka oo hambalyo u diray Madaxweyne Xasan Sheekh

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha Dowladda goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), ayaa hambalyo udiray madaxwaynaha cusub ee JFS mudane Xassan Sheekh Maxamuud oo noqonaya...