26.7 C
Mogadishu
Friday, May 20, 2022

WAR CUSUB: Guddiga doorashooyinka Qaranka oo shaaca ka qaaday in ay dhib ku qabaan Madaxtooyada +SABABTA

Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) /Sawir hore/Keydka

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) ayaa waxay shaaca ka qaaday in ay dhib ku qabaan xafiiskooda ku yaala Madaxtooyada Soomaaliya.

Guddoomiyaha oo la hadashay Warbaahinta ayaa waxay sheegtay inay jeclaan lahaayen in si furan ugu adeegaan dhinacyada siyaasadda, balse ay taasi ugu saamixi karin xafiiskooda oo ku dhex yaala Madaxtooyada.

Waxay intaa ku dartay tan iyo markii la aas aasay Guddiga Doorashooyinka Qaranka ay raadinayan xarun u gaar ah oo guddiga uu ku shaqeeyo, si uu si isu mida ugu wada shaqeeyo xisbiyada siyaasadda ee dalka ka jira.

Iyadoo hadalkeeda sii wadata ayay sheegtay in ay iminka soo bateen shaqaalaha ka tirsan Guddiga Doorashooynka Qaranka, isla-markaana ay dalbanayan in la ballaariyo xafiisyada ay ku shaqeeyan.

Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ayaa waxay Madaxda Dowladda Somaliya ugu yeertay in Guddiga Doorashooyinka u dhisaan guryo ka madaxbannaan Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia, si ay waajibaadkoodu ugu dardargeliyan.

Ugu dambeyn, Xaliimo Yarey ayaa waxay hadalkan jeedisay markii uu soo geba-gaboobay kulan ay maanta Magaalada Muqdisho ku yeesheen Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo qaar ka mid ah xisbiyada siyaasadda.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Latest News

President-elect Hassan Sheikh to focus on security and political stability

Somalia’s newly elected president Hassan Sheikh Mohamud has confirmed...

West Africa anti-terror force laments Mali withdrawal

Mali’s decision to withdraw from a West African anti-jihadist...

US, Kenya discuss war on al-Shabaab

President Uhuru Kenyatta this week held talks with U.S....

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh holds talks with World Bank officials

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh Mohamud has held...

Kenya arrests six Al-Shabaab suspects in Mandera

At least six people suspected to have links with...

Imaaraadka Carabta oo Soomaaliya ugu deeqay lacag dhan $9.52malyan oo Dollar.

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha Imaaraatka Carabta ee cusub Maxamed Bin Zayid ayaa amray in ay Xukuumadiisu siiso Soomaaliya lacag dhan 35malyan oo Dirham, una...

Maamulka G/Gedo oo ka hor yimid ‘hadalkii Jubbaland’ in ciidamada laga saaro gobolkaasi

Gedo (Halqaran.com) - Maamulka Gobolka Gedo ayaa si adag uga horyimid in Ciidamada Dowladda laga saaro gobolkaasi, xilli Dowlad Goboleedka Jubbaland ay u ololeynayso,...

President-elect Hassan Sheikh to focus on security and political stability

Somalia’s newly elected president Hassan Sheikh Mohamud has confirmed that his government will focus on security and political stability. In an interview, Mohamud said his...